Xildhibaan Soo Jeediyey In Wax laga Qabto Baahiyaha Aasaasiga Ah Ee Gobolka Sanaag

0
522

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jamaal Xaamud, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka xog warramay xaaladad Gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag, oo uu hadda ku sugan yahay, waxaanu xusay in Gobolkaasi uu u baahan yahay in wax badan loo qabto.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jamaal Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hankiisa siyaasadeed, waxaanu xusay in aanu marnaba ka tanaasulayn inuu isku soo sharaxno xilka Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye oo uu hore u sheegay inuu u tartamayo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Imika waxaan ku sugan yahay Gobolka Sanaag, oo aan dhalasho ahaan ka soo jeedo, gaar ahaan Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, dhab ahaan dadku sidii hore maaha, xaaladda Gobolkuna sidii hore maaha, waxaa aad mooddaa in xaaladda Gobollada oo markii hore laga dayrin jiray inay hadda sidii hore soo dhammayso, maxaa yeelay dhibaatooyinkii ka jiray hadda meesha way ka baxeen, talddaydu’se waxaa weeyaan dadka deggan guud ahaan Gobolka Sanaag, ha noqdaan dad isku tashada, oo dantooda iyo danta gobolkooda iyo horumarkooda ka fikira, waliba Gobolkani wuxuu u baahan yahay in sare loo soo qaado baahiyaha aasaaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, ta kale dadka deggan Gobolka Sanaag meel kasta ha ka degaana waxaan ku tilmaami karaa inay yihiin dad gob ah.”

Mar uu ka hadlaayey hankiisa siyaasadeed ayaa yidhi “Anigu hore ayaan u sheegay una soo bandhigay hankayga siyaasadeed, waxaana tilmaamay in XIsbiga Kulmiye oo aan muddada dheer ka mid ahaa, ee aan tacabka iyo dedaalka u soo galay in aan ka ahay Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen oo aanan marnaba ka tanaasulayn, oo aan calafaykaga ka qaadayo, kana dhex tartamayo Xisbiga dhexdiisa”.

Dhanka kale, wuxuu Shacabka ku booriyey inay aad isku ilaaliyaan, aadna ugu feejignadaan xanuunka koronaha.