Sheekh Aadan-Siiro Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Soo Xusho Gole Wasiirro Ah Oo Wax U Sheegi Kara

0
572

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) ayaa ka hadlay Xaaladda Somaliland ee xilligan, sida hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Tayada Golaha Wasiirrada, Dhaqaalaha, dhulka iyo arrimo kale oo Dalka ka jira.

Sheekha oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dalku ku jiro Xaalad dhaqaale xumo, taasi oo sababtay in baahidu ku baahdo dadka gudihiisa, taasna ay sababto in Dadku ka rejo dhigaan Dalkooda Somaliland.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmado kooban u sheego naftayga, kuwa Maanta Ummadda hoggaaminaya iyo inta Caqliga iyo Cilmiga iyo Aragtida leh, Waayo? Ilaahay baa wuxuu Qur’aankiisa ku leeyahay Waani, waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ahe.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inuu khaldamay Fahamka Madaxnimadu “Waxa inaga khaldamay Fahamkii Madaxnimada, Qofku inuu Madax noqdo, Qaabka uu ku noqonayo iyo qaabka uu u fahmayo ayaa innaga khaldan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aan loo baahnayn in Dedaalkii la soo galay Somaliland in laga dhigo wax aan macno lahayn “Walaalayaal, waad ogtihiin Dalkan wixii ka soo dhacay, weliba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waad u soo taagnayd wixii meeshan ka dhacay, leelkii ay Dadku soo mareen, 800 Sanadood wixii aynu soo tacabnay ayaa la daa’diyey, markaa la innaga yeeli maayo, suurto-galna maaha in halgankii ay Ummaddani soo gashay ee aad Adigu (Madaxweyne) ka mid ahayd Dadkii halganka soo galay inay u muuqato Dad Ciyaarayey oo aan danayneyn.”

Sheekhu wuxuu tilmaamay in Dastuurku uu wax kasta oo Dalka ka dhaca uu Masuuliyaddeeda hoos geeyay Madaxweynaha “Dastuurkeena yar ee aynu samaysanay, waxa inoo sameeyay Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dastuurkeena waxa ugu awood badan Arrin kasta Madaxweynaha ayuu ku dhamaanayaa, markaa wax alaale iyo waxa Maanta khaldan, waxa Allaale iyo waxa Maanta leexsan meel uu Madaxweynuhu kaga baxayaa ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxnimadu waa in Dadka loo Caddaalad-falo, Dadka in la ururiyo, Qof walba in xaqiisa la siiyo.”

Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Islaamku diiday keli-talisnimada “Islaamku wuxuu la dagaalamay Kali-talisnimada..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadka ururi, Dadka Aqoonta leh ururi, Waar Qiimahooda ilaali, Waar dalkani wuxuu dal ku noqonayaa in Dadka Aqoontooda laga faa’idaysto.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheeyay in Toosinta Madaxdu ay guul horseeddo “Toosinta Madaxda la toosinayo, oo lagu hoggaaminayo Dariiqa Saxda ah, waa waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen. Waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen, Maantana aynu ku guulaysan karno haddii la raaco, waxa ka mid ahaa waa Wada Tashi. Madaxweyne, Ilaahay baa meesha ku saaray, in badan baad soo tacabtay, inaad Maanta tidhaahdo Cid lama tashanayo, oo aad aqoonyahankii fogayso, kuwii kartida lahaa aad fogayso, oo kuwii Dalkan wax ka dhigi lahaa aad dibedda u tuurto, oo aad urursato Dad aan kula hadlayn oo aan waxba kuu sheegayn, taasi waa Dadka iyo dalkuba ku baaba’ay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu kugula talinaynaa oo aanu kuu sheegaynaa Munaasibadda Ciidda darteed waar Gole Wasiirro oo wax kuu sheegi kara oo ku tilmaami kara oo Kartidooda iyo Daacadnimadooda leh (xulo), imisa Aqoonyahan ayay leenahay oo gudo iyo dibedba (Jooga) oo haddii dalka ka dhisayo aan lacag kaa doonayn. Madaxweynaha waxaanu leenahay Dadka la tasho, waar Golaha Wasiirrada ee Maanta jooga wax ka beddel, sidan waxba inooguma shaqaynayaan ayaanu Madaxweynaha leenahay, waxyaabaha Maanta loo baahan yahay waxa ka mid ah in Dadka la ururriyo, Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Hoggaamiyaha mu’minka ahi waaka Dadka ururiya’ ee lagu soo ururo, khayrna malaha mid aan Dadka ururin, waa labada Sifo ee Amiirku leeyahay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay “Madaxweyne, waxaanu ku leenahay Dadkii way soo ooteen, waa lagu bakhtiyayaa Dalka, dhaqaalaha furfur, Dawladdii kaa horraysay dhaqaaluhu wuu wareegayey, Dadku Rejo ayay ku noolaayeen, waxbaa la kala iibsanayey, waxay ahaayeen Dad wada tashanaya, waxay ahaayeen Dad waxa yar ee dalku leeyahay laba meelood Dalka ku celiya, meesha ay qaataana dalka dib wax ugu celiya ayay ahaayeen, laakiin Maanta wixiiba Madaxweyne Adiga ayay ku urureen. Hantida Ummadda leh, waxaana laga qaadaa Islaantaa indhaha la’ iyo kuwii Sandaqadaha ku jira ee Maalin walba laga duminayo iyagoon Talo loo keenin.”

Sheekhu wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto khalkhal uu sheegay inuu ka jiro dhaqaalaha Somaliland “Madaxweyne, Nidaamkii dhaqaalaha ee dalku khalkhal buu ku jiraa, haddii baahidu badatana nabadgalyada ayay waxyeelaysaa, haddii baahidu badato guryaha ayaa la isugu soo daadan doonaa, waayo? Qofna noolaan maayo, qofna Bakhtiyi maayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxyaabaha Amni-xumada keena ayay ka mid tahay dhaqaaluhu marka uu xumaado, rejadiina ay Shacabka ka lunto, Madaxweyne markii intii aan joogtay ay Rejadii yaraatay waxay keentay in loo hanqal taago Xamar oo la isku cunayo oo Maalin walba Qarax ka dhacayo.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu wax ka qabto arrimaha dhulka, isagoo xusay in dhulkii danta guud la boobay “Madaxweyne waxaanu kugula talinaynaa inaad arrintaa dhulkana wax ka qabato oo aad Adigu isku bilowdo..”ayuu yidhi.