Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Somaliland Uga Soo Dacwootay Wakiilkii Hore Ee Hargeysa U Joogay Abu Dhabi Oo Qoraalo Baahiyay

0
5951

Hargeysa(Geeska)-Dawladda UAE ayaa la sheegay inay aad uga cadhootay qoraalo uu twitterkiisa ku baahiyay wakiilkii hore ee Somaliland Mr. Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye oo uu eeddo ugu jeediyay qaar ka mid ah madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Wakiilkan oo uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday bishii March ee sannadkii hore ee 2019, ayaa weli degen dalka UAE.

Qoraalada uu twitterka ku baahiyay wuxuu Mr. Cabsiiye ku dhaliilay oo uu eeddo ugu jeediyay dawladda Imaaraadka Carabta inuu qawadsanyahay caawimada ay siiyaan dawladda Somaliland, isagoo ku eedeeyay inaanay fulin balanqaadyadii ay hore u sameeyeen oo ay ka mid ahaayeen sida uu sheegay inay UAE cisbitaal ka dhisto Berbera, kaas oo aan weli la dhisin, “Halka nin Imaaraati ahi cisbitaal uu gaar u  leeyahay malaayiin dollar lagu bixiyay.” Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu eeddo u jeediyay barnaamij dhawaanahan ka hirgalay Hargeysa oo uu nin Imaaraadka u dhashay taageero dhaqaale ku siiyay qoysas baahan  oo ku sugan Hargeysa, waxaanu sheegay inuu barnaamijkaasi yahay mid musuqmaasuq oo been abuur ah.

Wuxuu wakiilkan hore sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo haysta dhalashada dalka Kanada ay farriimo hanjabaad ah ka heleen rag ka tirsan dawladda UAE oo aanu magacaabin.

Dawladda UAE ayaa la sheegay inay la soo xidhiidhay dawladda Somaliland, iyadoo wax ka weydiisay farriimaha uu wakiilkan hore ee Somaliland baahinayo iyo inay la ogtahay dawladda Somaliland.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay si gaar ah ugu dirtay dawladda UAE waxay raaligelin rasmi ah kaga bixisay qoraalada uu wakilkaas hore ku baahiyay bartiisa twitterka. Qoraal kale oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay twitterkeeda, oo ku qoran luuqadda Carabiga waxay ku sheegtay inaanu wakiilkas hore metelin dawladda iyo shacabka Somaliland, islamarkaana ay raaligen ka bixinayso farriimahaas oo ay sheegtay inay meel ka dhac ku yihiin nidaamka diblomaasiyadda.

Wakiilkan hore ayuu Madaxweyne Biixi magacaabay markii loo doortay hoggaanka Somaliland, waxaanu markaas degenaa dalka UAE, isagoon ka tirsanayn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa waxay wakiiladeeda dibadda u magacowdaa qaab ka duwan dunida, waxaana ay dunidu inta badan wakiilada dibadda u metela kala soo dhex badaa wasaaradda arrimaha dibadda, halka Somaliland ay wakiiladeeda ku magacowdo qaab suuqa laga soo xusho.