Shirkii Ingiriiska Oo Lagu Soo Gunaanaday War-Murtiyeed Uu Wada Hadalka Hargeysa Iyo Muqdisho Ka Dhex Muuqdo

0
520

 

Picture6London(Geeska)-Shirkii loo qabtay taageerista dawladda Somaliya ayaa lagu soo gunaanaday war-murtiyeed nuxurkiisu u badnaa sidii loo taageeri lahaa dawladda Somaliya.

 

Shirka ayaa shalay ka furmay magaalada London, waxaana ka qayb galay in ka badan 50 isugu jira dawlado, hay’ado iyo ururo caalami ah. Shirka waxa wada jir u guddoominayay Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska. Ra'iisul wasaare David Cameron, ayaa shirkaas ka sheegay  in dawladda Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinaca Daah-furnaanta iyo xisaabtanka. Si looga hortago buu yidhi, ra'iisul wasaare David Cameron, barkac ballaadhan iyo dhoofinta argagixisada.

Madaxwaynaha Somaliya ayaa isna sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in la taageero, loo baahan yahay caawinaad iyo maalgalin iyo in laga ilaaliyo kuwa isku dayaya ayuu yirdh in ay na burburiyaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Somalia kala meel dhigay geed uu ka beeray gudaha Villa Soomaaliya oo u baahan in la waraabiyo, oo la quudiyo isla markaana laga ilaaliyo xoolaha.

Madaxwaynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay dalbanaynso waxqabad hagar la'aan ah, iskaashi iyo taageero.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xasiloonida Soomaaliya ay hadda muhiim ugu tahay mustaqbalka dalka, amniga gobolka iyo dunida inteeda kale iyo sidii budhcad-badeednimada looga xorayn lahaa goobaha ay ku xoog badan yihiin ee Gacanka cadmeed.

War-murtiyeedka shirkaas shalay gelinkii dambe laga soo saaray ayaa waxa si weyn loogu muujiyay taageerada loo hayo dawladda Somaliya. “Shirku wuxuu isku raacay inay Somaliya samaysay horumar balaadhan. Waxaanu bogaadinaynaa dhammaan cid kasta oo suurtogelisay oo ay ka mid yihiin dadka Somaliyed, dawladda federaalka, xildhibaanada, bulshada rayidka iyo qurbe jooga.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka, waxaana lagu sheegay in dawladda Somaliya laga taageeri doono dhinacyo badan.

War-murtiyeedka waxa kale oo ka dhex muuqata arrinta Somaliland, iyadoo shirku uu taageeray wada hadalka u socda Somaliland iyo Somaliya. “Waxaanu soo dhawaynaynaa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee Ankara April si loo cadeeyo xidhiidhkooda mustaqbal, kaas oo ku xidhiidhsan kulankii Chevening  ee June 2012. Waxa kale oo la soo dhaweeyay war-murtiyeedkii Ankara. Waxaanu cadaynaynaa bogaadinta aanu u hayno doorkii fududanta ee ay dawladda Turkigu qaadatay.”

Waxyaabaha kale ee dawladda lagu heshiiyay in lagu taageero waxa ka mid ah In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan, Dhameystirka Dastuurka qabyada, La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka iyo In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016 doorasho iyo qodobo kale.

Si kastaba ha ahaate, war-murtiyeedka shirka oo u muuqday mid diyaarsan, ayaa haddana waxa ay xukuumadda Somaliya shirka ka faa’iiday lacag tiro badan oo malaayiin gaadhaysa oo ay dawladihii ka qayb galay ugu yabooheen. Tusaale ahaan, Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah ayuu ku yaboohay, taas oo  loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda, Denmark ayaa ku yaboohday 75 Million Dollar oo horumarinta cadaaladda ah, Maraykanka oo 40 Milyan oo dollar isna ugu deeqay, Turkiga oo 10 Milyan oo dollar ku bixinaya dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Somaliya iyo Qatar oo bixin doonta 18 milyan oo dollar.

Hase yeeshe dhaqaalahan ayaa noqon doona mid lala maamulo dawladda Somaliya, waxaana la samayn doonaa guddi maaliyadeed oo isku dhaf ah oo gacanta ku haysa bixinta lacagahan.