Xildhibaan Siciid Gaane Oo Aqalka Golaha Guurtida Ku Gacansaydhay Muddo Kordhinta

0
434

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay muddo kordhintii Shalay ay Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda, Mudahaaradkii uu sameeyey Xisbiga Wadddani, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo la xidhay, iyo dhaliilo uu u soo jeediyey Xukuumadda.

 Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guurtidu xaq umay lahayn inay muddo kordhin sameeyso, meel ay ka soo gasho Doorasho muddeynteeda iyo qabsoomideeda midna ma jirto, waxa ay xaq u leedahay oo qudha in muddadaas la qabanayo Doorashada inta u dhexeeysa inay waafajiyaan Sharciga, mawqifkaygii hore ee ahaa wakhtigii uu Komishanku cayimay, ee Beesha Caalamkuna taageertay wax alaale wax iska bedelay ma jirto, mana ogolin wax aanu qaadan karnana maaha muddo kordhintan aan sharciga meelna ka soo gelin ee ay Guurtidu u kordhiyeen Xukuumaddan fadhiidka ah, Guurtiduna inay shaqada Komishanka soo farasho garashto may ahayn, Guddoomiyaha Golaha Guurtidana waxa ku cadaatay kuna soo baxday Qabyaaladii, maxa yeelay go’aan ay ku heshiiyeen Saddexda Xisbi iyo Komishanka Beesha Calaamkuna soo dhaweeysay ayuu si badheedh ah uu iskaga indho tiray,si cadaalada ka fogna waxa uu u taageeray una garab istaagay Madaxweynaha, waxaana run ah in  Madaxweynuhuna wax badan oo uu ku hadaaqi jiray, dhaliili jirayna markii uu mucaaradka ahaa ayuu maanta ku dhaqmayaa”.

 Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane),  ayaa mar uu ka hadlaayey Mudahaaradkii Shalay ayaa yidhi “Waa ayaan daro in Masuuliyiintii Xisbiga Waddani qaar la garaaco, qaarna la xidho, iyo walibana Taageerayaashii Xisbiga, oo Mudahaarad salmiya sameeyeynayey, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddani dhinaca walba ka liidato, oo ay tahay Xukuumad bilaa dulqaad ah”.