Xildhibaano Qalbi Furan Ku Qaabilay Muddo Kordhinta Guurtida

0
447

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada muxaafidka ah ee xisbiga KULMIYE ee golaha wakiilada ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo golaha wakiilada laftooda.

Xildhibaanadan ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen hoteelka Guuleed ee Hargeysa, waxa ay ku soo dhaweeyeen go’aankaas. Xildhibaan Saleban Cawad Bukhaari oo ka mid ah xildhibaanada saxaafadda la hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu soo dhawaynaynaa mawqifka iyo go’aanka geesinimada leh ee golaha guurtidu ku badbaadiyeen oo ay sameeyeen muddo kordhin aan tan dhaaf ahayn oo dalka iyo umadduba qaadi karto taas oo aanu u aragno dan qaran.”

Xildhibaan Bukhaari wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo uu sheegay inay tahay mid sharci ah.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Xildhibaan Ruush ayaa iyaguna halkaas hadalo ay ka jeediyeen waxa ay ugu sacabo tumeen go’aanka muddo kordhineed ee golaha guurtidu sameeyeen iyagoo xisbiyada mucaaradkana ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka golaha guurtidu gaadhay.

Waxa iyaguna madasha ku sugnaa xildhibaan Cali Maxamed Xasan, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye, Xildhibaan Abubakar Good iyo xildhibaano kale.