Xildhibaan Siciid Cartan Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dalku Marayo, Madaxweynahana Ugu Baaqay Inuu Ka Jawaabo Socdaalka Gaas

46
3434

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ku tilmaamay in Cabdiwali Gaas oo ah Madaxweynaha Puntland, uu soo galo xadka Somaliland isla markaana Golihiisa Wasiiradda uu Shir ugu qabto.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey talooyin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Dal walba wuxuu leeyahay xad, xadkiisana waxa ilaaliya hadba Xukuumadda markaas ka jirta, xadkeenana waxa masuul ka ah oo loo igmaday waa Xukuumadda hadda taladda dalka haysa, balse waa wax aad u fool xun in Madaxweynaha Puntalnd uu xadkeena soo galo, iyadoo Jabhado iyo waxyaabo badan oo amniga khatar galinaya ay unkameen, taas oo ilaa hadda waxba laga qaban xalna laga gaadhin, ayaa haddana waxaa ku darsatay in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas,oo taariikhda markii ugu horeeysay uu  oo xadkeena soo galo, oo waliba  uu Gollihiisa Wasiiradda uu Badhan Shir ugu qabto, dhabar jab iyo ayaan daro ayey qarankeena ku tahay in Cabdiwali Gaas uu si kalsooni leh uu Golihiisa Wasiiradda uu Shir ugu qabto Badhan, isagoo waliba ku doodaya Gobolada Sool iyo Sanaag, wax la eegan karo, ama la daawan karo midna maaha”.

Xildhibaan SIciid Cartan mar uu ka hadlaayey cidda leh masuuliyadda ah in Cabdiwali Gaas uu soo galo Xadka Somaliland ayaa yidhi “Dhaliisha iyo eedda lama wada laha, ee waa in cidda leh ee hawsheeda gabtay waa inay qaadataa dhaliisha ah in Cabdiwali Gaas uu kalsooni ku soo galo xadkeena, Shirarna ku qabsado, kuna xisaabtamo inuu dalkiisi joogo, inagoo og in Badhan ay Somaliland tahay, waxaa wax aad loola yaabo aadna loogu qoslaa ahaa Badhasaabkii Gobolka Sanaag iyo Agaasimihii Kalluulamaysigu in qaboojiyayaal ku qaybiyaan Laasqoray, halka uu Gobolkiina uu Shir ku qabsanayey Madaxweynaha Puntland, mar haddii uu xadkii soo galay Cabdiwali Gaas, si kalsooni lehna uu Golihiisi Wasiiradda Shir ugu dhex qabtay Badhan, beri ka maalina Laascanood ayuu iman karayaa, oo Wasiiraddiisa Shir ugu qaban karayaa,  Gobolo kale oo dalka ka tirsana uu iman karayaa, iyadoo Xadkeenii la soo galay, oo Xadkii Somaliland la soo galay, baa haddana indhihii Shacabka   lagu jeediyey Xeerka Kufsiga, marka Xeerarka la soo gudbinayana waxaa ka dooda waa Golaha Wasiiradda, Xisbiyadii Mucaaradka ee la rabay inay ka hadlaan xaalada uu dalku marayo, ayaa iyana xeerkii Kufsiga lagu mashquulinayaa, iyadoo Gobolo iyo Deegaano ka tirsan Somaliland la soo galay, oo Madaxweynayaal soo galeen,Shirarna ku qabsanayaan”.

Xildhibaan SIciid Cartan mar uu Madaxweynaha fariin u diraayey wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay, adiga ayaa ah Madaxweynihii Qaranka, dalna wuxuu dal ku noqdaa sugida xuduudihiisa, iyo ilaalinta amaankiisaba, sidaas oo ay tahay Madaxweyne jawaab cad iyo talaabo na qancisa ayaanu kaga fadhinaa, ee Shir jaraa’iid oo Xafiiskaaga aad ku qabataa lagagama fadhiyo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here