Gefaf ka Diineed ee Xeerka Kufsiga Somaliland

36
12468

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

Kolkii uu gacantayda soo galay xeerkani waxa ii soo baxday in uu yahay haltebin oo aanu ahayn mid innagu aynu qorannay, sida oo kale waxa ii muuqday in ciddii wadatay kaliya ku samaysay tifatir oo asal ahaantii uu ku qornaa lahjad aan qaabqoraalka reer Somaliland ahayn.

Xeerkan waxa ku jira gefef shareecada Islaamka liddi ku ah. Waa shareecada bilowga xeerkan ku sheegayaan in ay waafajiyeen xeerkooda. Kolka aad si gondadeg ah u eegto ayaad arkaysaa in uu yahay xeer ay iyagu samaysteen oo si cad uga hor imanaya shareecada ay beenta ka sheegayaan ee ay leeyihiin waa u waafaqsanyahay.

Ballaysinka xeerkan waxa ay ku sheegeen, “In la dejiyo xeer waafaqsan shareecada Islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadi’da guud ee caddaaladda, iyo ku dhaqanka suubban ee ummaddu leedahay.” (Qodobka saddexaad. Ujeeddooyinka Xeerka. Bogga 6aad). Mabaadi’dani halkay ka soo unkameen, cidda dabada ka riixaysa ee wadata, iyo ka hor imaanshaha xukunnada Ismaaliga ahiba waa kuwo liddi ku ah, toosna uga hor imanaya shareecada Islaamka.

Ugu horrayn xeerkani ciqaabtii kufsi ee shareecada Islaamku u dejisay kufsadaha meesha waa ay ka saareen, iyagaana samaystay sharci lagu qaadayo eedaysanaha kufsiga geystay.

Waxa ay dejiyeen da’da qofku ku qaangaadhayo, waxana ay ku sheegeen siddeed iyo tobanjir in qofku qaangaadh ku yahay. Carruur waxa ay u aqoonsadeen shan iyo tobanjir iyo da’dii ka sii yar. Shareecada Islaamka qofku laba mid ayuu ku qaangaadhaa; in uu shan iyo tobanjir yahay iyo in uu isku arkay biyihii taranka, gabadhuna yeelatay dhiiggii caadada. Xeerkani isagaa qeexaya da’da lagu qaangaadho waana mid liddi ku ah shareecada Islaamka. (Qodobka kowaad. Erey bixin. Bogga 4aad)

Xeerkan waxa ku badan adeegsiga ereyga Qof. Tusaale ahaan; qofka la khasbay, qofka waxaa lagu sameeyey, qofka la kufsaday. Waxa aad dareemaysaa in arrin weyn la maldahayo, taas oo ah in qofkan la kufsaday noqon karo nin. Haddii uu nin yahay oo nin kale kufsaday xeerkan waa u dambi, haddii se uu raalli ka yahay waa dad raalli iska ah oo galmo dhexmartay. Qof lagu khiyaameeyey ama lagu qalday nooca falka galmo ama cidda uu la galmoonayo. (Qodobka kowaad. Erey bixin. Bogga 5aad)

Qof ku khasba ama ku kallifa qof in uu la sameeyo cid kale galmo ama fal jinsi. (Qodobka toddobaad. Ka faa’idaysi jinsi. Bogga 7aad.)  dhammaan qoralladaasi waxa ay caddayn u yihiin cidda falka samaysaa in ay noqon karto lab lab u tagay iyo dheddig dheddig u tagtay. Taas oo sharciga xeerkani jideeystay haddii raalli la iskala ahaa dambi kama dhigayo, haddii kalena wuxu ku sheegaya fal dambiyeed kufsi. Waana dhaqan dhiirigelin u ah liwaadka iyo isutagga xaaraanta ah ee dadka isku jinsiga ah.

Xeerkani waxa kale oo uu  adeegsanayaa ereyga Sharci. Tusaale ahaan, sharciga ka hor imanaya, sharcigu aanu bannayn. Waxa isweydiin mudan sharciga xeerkani sheegaya waa kee? Haddii uu ka hadlayo sharciga Islaamka waa been cad oo meelna kama waafaqsana shareecada Islaamka. Haddii uu sheegayo sharci dadkii xeerkan qortay samaysteenna waa shareeco shareecadii Islaamka lagu beddelayo waana sida xeerkan ku cad. (Qodobka afaraad. Kufsi. Bogga 7aad)

Xeerkani kolka uu leeyahay, “Qof kasta oo kula kaca galmo aan sharcigu bannayn qof kale oo aan awoodin bixinta raalli ka ahaanshiyo waxa uu galay fal dambi kufsi.” Waxa maldahan cidda raalllibixinta iska rabtaa cidda ay tahay ma lammaanihii isqabaa is khasbaya? Ciddan raalli ahaanshaha isku leh waa ayo? (Qodobka afaraad. Kufsi. Bogga 7aad)

Xeerkani si cad waxa uu u dhiirigelinayaa sinada oo qof kasta oo Islaam ahi ogsoon yahay xagga shareecada Islaamku ka taagan tahay. Mar kasta waxa ku badan ereyada caadiga ka dhigaya labada qof ee galmo ay isla oggolyihiin sameeya in aanay fal dambiyeedkan iyagu soo galayn, taas oo ah dhiirigelin sharcigan gacan ku rimiska ah dhiirigelinayo.

Xeerkani carruurta iyo dadka waaweyn ayuu ciqaabta u kala xadaynayaa. Carruur isaga oo u yaqaan da’da ka yar 18jirka ciqaab gooni ah ayuu u qoondeeyey. Innaguna waxa aynu ogsoonnahay shareecada Islaamku in aanay ciqaab saarin qofka aan qaangaadhin. Qofka weyn ee kufsi gaysta waa loo khafiifinayaa, innaguna qofka guri hore soomaray hadduu sinaysto ama kufsi gaysto ciqaabta shareecadu u jidaysay waynu naqaannaa.

Intaasi waa inta iiga muuqatay aniga xeerkan ee uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka. Dhammaantoodna waa gefef liddi ku ah shareecada Islaamka oo aanay habboonayn qof rumaysan Ilaahay SWT, in uu marna u doodo sharcigaa sharcigii Ilaahay aan ahayn, kuna doorsan sharciga Ilaahay SWT, inoo dejiyey.

Ugu dambayn Baarlamaanka, Guurtida iyo Madaxweynaha waxa la gudboon in aanay gacmahooda ku sharciyeyn sharci ka hor imanaya sharciga Ilaahay SWT, xusuusnaadanna in ay sugayso geeri iyo isla xisaabtankii aakhiro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here