Xildhibaan Si Adag U Difaacay Shirka Dood Qaran Ee Ay Xisbiyada Mucaaradku Abaabulayaan

0
593

Picture2Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha golaha wakiilada,  ayaa difaacay in xisbiyada Mucaaradka ahi ay qaban karaan shirka qaran ee lagaga hadlayo xaaladda dalka, Waxaanu xukuumadda ku eedeeyay in aanay ka fiirsan diidmadeedna qabashada shirkaasi.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo sidoo kale ka mid ah Madasha wada tashigu wuxuu faahfaahin ka bixyay waxyaabaha shirkaasi qaran lagaga wada hadli karo “Anagu waanagii ahayn odayashii madasha, hadalo dhawr ah ayaana ka yimid, dadkana waxa laga yaabaa in siyaabo badan oo qaldan wax loogu sheegay, annaga oo odayaal iyo masuuliyiin la yaqaano ah xaqbaanu u lahayn in aanu nidhaahno xaaladda dalka wax ha la iska waydiiyo, waxa lanagu yidhi xisbiyada ayaa xaq u leh inay arimahaas ka hadlaane ee  hadaad doonaysaan inaad ka hadashaan saddexda xisbi ka mid noqda, annaga oo ixtiraamayna in aan shacbiga wareer la galin, waxaanu xisbiyada mucaaradka ah ka codsanay in fikirkii naga yimid ay aqbalaan oo ay qabtaan iyagu, markii horena dastuurka qaranku waa uu ogalaa, haddana waaba xisbiyo qaran, cid kasta oo wax ka tidhaahdaa waxay u muuqataa mid aanay ka fiirsan oo sharciyada dalku way fasaxaysaa, xisbiyada qarankuna xaqbay u leeyahay inay wax dhaliilaan oo wax toosiyaan, cid odhan karta xisbiyo qaran waxba ma qaban karaan ma jirto” ayuu yidhi isaga oo shalay u waramayey Mareegta Togaherer.com

Xildhibaan Saleebaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Awoodaha Madaxweynaha  maaha, awood wasiirna maaha ee waa awoodo xisbi ama muwaadiniin oo isu imanaya oo danahooda iyo danaha dalkaba wax iska waydiinaya, markaas wax hoos yimaada Madaxweyne iyo wasiir toona maaha, cid kastaana waa inay wax ku darsato sidii dalka loo hagi lahaa, maaha shir beeleed ee waa dood ay isugu imanayaan dad aqoon leh oo wax garanaya iyo qaybaha bulshada oo lagu casuumo oo wax la iska waydiiyo, ee maaha beelo dad laga soo xulayo, sidii anaga hadalladayada loo xumaynayay ayaad moodaa in xisbiyadana loogu wado, waxaan leeyahay maaha arin xun ee waa arin dalku uu u baahan yahay”