Hargeysa: Ugaaska Guud Ee Beesha Arab Oo La Caleemo Saaray

0
788

Picture3Hargeysa(Geeska) – Ugaaska Guud ee beesha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali-mahdi),  ayaa lagu caleemo saaray Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibada Caleemo Saarka Ugaaska Cusub Waxa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Golaha wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaridka ah ee Waddaani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen , Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee  Golaha wakiiladda  Cali Yusuf Axmed, Guddomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahi, Salaadiiin iyo cuqaal  aad u badan oo badhkood ka yimideen gobolka Awdal, Xildhibaanno, Cuqaal, Wasiirro, Saraakiil iyo Boqolaal dadweyne ah.

Munasibaddan ugu horrayn waxa ay ku billaabantay soo dhoweyn iyo sawaxan ay dadweynaha meesha joogay ku qaabileen Ugaaska cusub, Maxamed Ibraahin Qabo ayaa Xafladaasi weyn hadal ka jeediyey, waxaanu  sheegay inay xafladdani tahay tii ugu horraysay oo ay ugu talo galeen dadka magaaladda Hargeysa, isla markaana ay shalay ahaan u bixi doonaan miyiga iyo Caleemo saarkii dhaqanka ahaa, waxaanu  tilmaamay in halkaasi lagu diyaariyey dhammaan wixii uu lahaa caleema saarku oo dhan oo lagu qaban doono magaaladda Balligudable.

Afhayeeka Ugaaska guud ee beesha Arab, Caaqil Cabdi Dheere isaguna markaasi ka dib halkaasi ka hadlay ayaa dadwaynaha u akhriyey taariikh nololeedka Ugaaska la caleemo saaray, waxaanu yidhi  “Waxa uu dhashay 1953, waxa uu ku dhashay deegaanka Gobolka Hawd, Waxbarashada Hoose iyo dhexeba waxa uu ku dhamaystay Hargeysa, Jaamacadahana waxa uu ku bartay waddaamada dibedda, Ugaaska ay Caleemo saaraynaa waxaa kii 11-aad, oo waxa uu soo tirsadaa, waxa ugu horreeyey tii ina Gardaase, waxaaanu sidaasi ku soo tirsadaa intaas oo sandalad ah, waxaana hadda xigta tan Ugaas Axmed Cali Mahdi oo aanuu maanta (shalay) u caleemo saarnay Ugaaska Guud ee beesha Arab.”

Sudaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Ugaaska Guud ee Beesha Arab, waxaanu la garab taaganahay garab iyo gaashaan, waxaanu leenahay soo dhowow, waxa aan leeyahay cidda ku dooratay iyo cidda aan ku dooranba si isku mid ah u qaabil, aniga ayaa huba inuu guud ahaan Somaliland wax ka qabanayo, waana dayax godkiisii helay”

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Awdal oo halkaasi ka hadlay, ayaa isaguna yidhi “Xafladdani xiiso gaar ah ayey noo leedahay oo waxa aanu uga nimid Awdal, waanu u ducaynaynaa Ugaaska Guud ee Beesha Arab, laakiin anaga meesha Ugaas joogo Suldaan ma taliyo mana duceeyo, ugaaskana anaga ayaa idinka naqaana waxaan leeyahay Ugaaska ha laga dambeeyo, ugaaskuna waa ugaas Somaliland ah”

Suldaan Naasir oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka beelaha Gabooye oo iska halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ay farxad weyn u tahay dhammaan Somaliland, waxaan leeyahay ku soo dhowow  Ugaas xayndaamka Somaliland, waxaanu halkan kaga dhawaaqaynaa maanta (shalay) in aanu aqbalnay ugaaska, waxaanuu ugaas caleema saarkaagu metelaa ugaasyadii Saylac oo sidii ayey roobku inoo da’ayaa, waxaanu ku leenahay ka dheerow tafaraaruqa, Mus-dambeed ahaw, ha u horaynin Xumaha ee  u horee wanaaga”

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in ay Faraxad weyn u tahay in ay ka soo qayb galaan Xaflada Calaama Saarka Ugaaska waxayna ilaahay uga rajeeyeen in ilaahay Xilkaasi ku asturo.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin axmed oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “Madasha aynu joognaa waa madal lagu caleemo saarayo Ugaaska Guud ee beesha arab oo ah dhaqankii ugu sareeyey, waxaanaynu leenahay, Ugaas Rooble, Ugaas Barkhadle, Ugaas Nuurle”

Gabogabadii munaasibadaas waxaa soo afmeeray Ugaaska  la Caleemo Saaray Ugaas Axmed Maxamed Siciid (ina Cali Mahdi), waxaanu yidhi  “Maanta (Shalay) waxaa igu duxay waa masuuliiyad Culus waxaan rajaynayaa in aan garbahayga fadhiyaan rag badan oo la taliyahayga ah waxaan ururin doonaa Somaliland isku xidhkeeda bari iyo galbeed”