Wasiirka Warshadaha Oo Beeniyey Inuu Iscasiley Iyo Sababaha Warkaasi U Baahay

1
671

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda warashadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Tima-cad), ayaa beeniyey war shalay aad suuqa u soo galay oo sheegayay inuu xilka Wasaaraddaasi iska casilay.

Wasiirka Warshadaha Somaliland, oo warar aan la hubin balse dadwaynaha wada gaadhay ay sheegeen inuu Madaxwaynaha u gudbiyey warqada iscasilaaddiisa, ayaa tilmaamay in aanay warkaasi waxba ka jirin isla-markaana aanu is casilin.

Wasiir Abiib oo shalay Wargeyska Madaxa-banaaan ee Geeska Afrika khadka Telefoonka kula xidhiidhay markii uu isa soo taray warka ah inuu iscasiley isla-markaana waydiiyey waxa ka jira arrintaasi, ayaa si kooban ugu jawaabay “Adeer waa been, ismaan casilin” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “imikaba waanigaa ku leh ee ismaan casilin”

Warka iscasilaadda ah ee uu beeniyey Wasiirka Warshadaha Somaliland, ayaa ku soo beegmay xili la saadaaliyey inuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay xulafo siyaasadeed yihiin Wasiir Abiib uu iska casilayo xilka uu qaranka u hayo ee Maaliyadda, waxaana dadka siyaasadda faaleeya sheegayaan in sababta warka iscasilaadda Wasiirka Warshsdaha loo soo galiyey suuqyadu ay tahay mid siyaasadeed oo ku xidhiidhsan khilaafka ka dhex oogan xisbiga Kulmiye, kaasi oo laba garab oo kala taageersan Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale u qaybiyey masuuliyiinta xukuumadda, taasi oo gaadhsiisan heer masuuliyiinta xukuumadda qaarkood is casili karaan haddii garabkoodu la kulmo guul daro siyaasadeed.

Comments are closed.