Xildhibaan Saleban Cali Koore Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Amni Darada Lascanod

0
551

 

saloHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Saleban Yuusuf Cali Koore, oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilad ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay xaaladaha nabadgelyo darro iyo weliba dilalka qorshaysan ee ka jira magaalada Lascanod ee gobalka Sool.

 

Xildhibaan Koore, oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu magaaladaas u diro khubaro baadhiseed oo ka war keentay dhibaatooyinka dhaca iyo cidda masuulka ka ah. “Dilalka ka socda Laascaanood waxay u muuqdaan xasuuq habka kawaanka oo kale ee subax kasta loo laynayo, dadkaa la laynayo cid qof u xidhan oo maxkamadi u xukuntay waxa jira ninka la yidhaahdo Cismaan Saalax oo ahaa Taliyihii, waxaad garan gartaa baaxada dhibaatada ka socota deegaankaasi”

Isagoo xildhibaan Koore, hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay  “Dad badan oo reer Somaliland ahi waxay yidhaahdaan nabadgalyada hala ilaaliyo, waxbayna ogeyn, waayo qof walba indhihiisu waa inta uu joogo, haddii ay nabadi ka jirto Hargeysa ama Borama ama Berbera, waxa jira dad aan habeena dhiig ka nasan oo ku nool Somaliland oo ay joogaan ciidamadii ugu badnaa ee Somaliland ah ee abid meel jooga, taasi waxay sababtay in laga garan waayo cidda fooda loo saarayo amaanka gobolka ee masuulka ka ah”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Gobolka Sool waxa ka jira dhibaato  aad iyo aad u baxaad weyn oo ay ka mid tahay dad habeena baryi-waayay”

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu sheegay in dhibaatada iyo dilalka Laascaanood ay ku lug leeyihiin maamulka gobolka Sool ee xukuumadda wakiilka uga ah deegaanadaasi iyo weliba booliska “Haddii aan soo qaato dilkii ugu dambeeyay waxaan anigu saarayaa inay dhibaatada ugu badan lahaayeen maamulka iyo amnigu (Ciidamada amaanku) Somaliland, ninkii qirtay inuu wax dilay ayaa isagoo Maxkamad saaran la soo qaaday, sharciga dalkuna waxa qorayaa in maxkamaduhu ka madax-banaan yihiin fulinta, taasi waxay keentay in dad ka mid ah kuwii loo haystay dambiyada la siidaayo, iyadda oo aan loo gudbin hay’adihii dambi-baadhista, ayaa la siidaayay dadkii lagu tuhmayey dhaawaca xildhibaanka, masuuliyadaana waxa marka koowaad leh booliska iyo Wasaarada arimaha gudaha, dabadeedna waxay keentay in askartii booliska ahayd ee la ehelka ahayd xildhibaanku ay laamayda dhexdeeda iyo guryahooda ku toogtaan dadka, waanu ka qaylinay, cid walba waanu u sheegnay jeelbaa jira, maxkamadbaa jirta, sabab halkan (Hargeysa) loo keenaa ma jirto’e ee qofku meesha uu dambiga ka galay halagu baadho oo halagu Maxkamadeeyo oo haddii uu dambi leeyahay dambigiisa halagu qaado, haddii aanu lahayna Maxkamadi ha siidayso.”

Isagoo la hadlaya Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu yidhi  “Waxaan halkan Ambiil uga dirayaa Madaxwaynaha Somaliland, waxaan leeyahay Madaxwayne dal iyo dad badan ayaa dhibaato ku qaba dhulalka aad xukunto oo Somaliland ka mid ah, maalin iyo habeen kastana loo gowracayaa sida xoolaha, waxay maraysaa in 1:00 duhurnimo wadada badhtankeeda lagu toogto dadkii ugu Magaca dheeraa ee ugu hantida badnaa Laascaanood, taasi waxay ku tusaysaa in amniga dalku marayo meel adag”

Ugu dambayn Saleban Cali Koore, wuxuu yidhi  “Aniga oo aad ogtihiin inta xil ee aan Somaliland ka soo qabtay waxaan la’ahay cid aan u gudbiyo, cid aan xasuusiyo ama gaadhsiiyo waxa ka socda Laascaanood. Waxaan maqlay in loo xoog sheegtay badhasaabka Gobolka Sool markii uu yidhi waar ninku halka uu dambiga ka galay halagu Maxkamadeeyo oo xoog lagaga soo qaaday, waxaan u arkaa in la luminayo oo la dambabasayo dambiga iyo cida leh, dad badanbaa Hargeysa la keenay oo suuqyada lagu siidaayay ama dano gaar ah laga leeyahay ama aan danba laga lahayn”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaa dhiig daadanaya ee dad la laynayo maynaan arag Wasaarad ama taliye ciidan oo dareen ka bixinaya ama u abaabulaya gulufkii waxaa lagu joojin lahaa, taasi wadanka ayay ku tahay adhax-jab”