2012 Sannadkii Fadeexadaha Siyaasiyiinta Dunida: Xidhiidho Jinsi, Danaysi Iyo Ku Takri Fal Awoodeed (Q 1aad)

1
586

 

Picture5Hargeysa (Geeska)- Sanad WalibaHoodiyo Hawl Iyo Dhibaatiyo wuxuu Hadimo Leeyahay Waa Laga Helaayoo hadhow Lagu Xasuustaa… Dhacdooyinka kala duwan ee dunida inagu soo mara waxa ay galaan diiwaanka xusuusta, xilliyo dambe ayaanay iyaga oo sannado iyo taariikho ku xidhan ka mid noqdaan qisaska la xiiseeyo. Sannadkii 2012ka ayaa ka mid noqday sannadaha ugu xusuusta badan dhinaca fadeexadaha siyaasiyiinta dunida, qormadeenan maantana waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybtii labaad ee dhowr ka mid ah fadeexadahaas.

 

5. Madaxweynihii dalka Jarmalka  ayaa lagu qasbay in uu xilka iska casilo, kadib markii la ogaaday in uu la xidhiidhay  wargeyska ka soo baxa dalkiisa si uu uga hor-tago in la daabaco warbixin shaaca ka qaadaysa lacag deyn ah oo uu sifo sharciga baalmarsan u qaatay kadibna guri ku iibsaday. Madaxweyne Christian Wulf oo 20 bilood oo keliya madaxweyne ka ahaa dalka Jarmalku waxaa xilka loo dhaariyey 2dii July 2010ka kadib markii uu si aad ah uga adkaaday ninkii la tartamayey, laakiin 17kii February 2012kii ayaa lagu qasbay in uu xilka ka dego, kadib markii xeer ilaalinta gobolkiisu ay codsatay in xasaanadda laga qaado si loo baadho dacwado la xidhiidha fadeexaddan oo dhacday mar sii horraysay oo uu raysalwasaare ka ahaa dawlad goboleedka Lower Saxony oo ka tirsan dalka Jarmalka.

Madaxweyne Wulf ayaa markii ay fadeexaddani soo baxday la sheegay in uu shirkadda warbaahinta ee Springer Press ka codsaday in dib ay u dhigto war ay ka baahinaysay fadeexadda dhinaca deynta ah ee ku soo baxday, inta uu ka soo noqonayo safar uu ku tagayey dibadda. Laakiin markiiba waxa uu ogaaday in wargeyska Afka dheer ee BILD oo isla shirkadda Springer Press leedahay uu fadeexaddan ka diyaarinayo warbixin waafiya, Wulf farriin digniin ah ayuu u diray tifaftiraha guud ee wargeyska BILD, isaga oo ugu hanjabay in haddii warbixintaa uu sii daayo uu ka qaadi doono tallaabo isla markaana uu xidhiidhka u jari doono shirkadda Springer Press. Wulf waxaa lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo in uu si xun meel ugaga dhacay  xuriyadda hadalka kadib markii uu isku dayey in uu cabudhiyo warbaahin madax bannaan.

6. Boqorka dalka Spain Juan Carlos ayaa sannadkii 2012ka dirqi kaga badbaaday cadho dadweyne oo kursigiisa uu ku waayi karo, kadib markii si adag loogu dhalleeceeyey in uu raaxo iyo nasasho u baxay xilli ay dadka dalkiisu la daalaa dhacayeen mashkilado dhaqaale iyo lacageed oo aad u xanuun badan. Boqorka 74 jirka ah ayaa misig ka jabay kadib markii ay lugu u siibatay isaga oo dalxiis dhugtan iyo ugaadhsi maroodi ah u tegey dalka Botswana ee ku yaalla badhtamaha koonfureed ee qaaradda Afrika. Dadka reer Spain waxa ay aad uga xumaadeen in boqorkii dalka oo dhowaanahaas uun u jeediyey khudbad uu kaga dalbanayo in ay dhexda u xidhaan u adkaysiga mushkiladda dhaqaale ee dalka ka jirta uu isagii haddana dalxiis iyo nasasho u baxay, halkii ay ka ahayd in uu shacabkiisa la qabo busaaradda ka dhalatay mushkiladahan dhaqaale.

7. Sannadkan waxa ay ceeb weyn oo musuqmaasuq dhinaca maamulka ahi ku xarootay kaniisadda ugu sarraysa mad-habta kaataloga ee diinta Kiristaanka, kadib markii la ogaaday in masuuliyiinta ugu sarraysa kaniisaddu ay si qarsoodi ah ugu xidhan yihiin Wargeysyo ay siiyaan siraha gaarka ah ee dawladda Vatican ka iyo baadariga ugu weyn mad-habtan ee  Benedict-ga 16aad.

Paulo Gabriel oo ahaa masuulka ugu sarreeyey gacan-yaryaasha baadariga ayaa lagu helay dacwad ah in uu xogaha muhiimka ah si hoose u siin jiray warbaahinta, maxkamad ku taalla Vatican ayaana ku Gabriel ku xukuntay 18 bilood oo xadhig ah. arrintani waxa ay madow gelisay aaminaadda dadka baadariga ka ag dhow iyo akhlaaqdooda diiniga ah. Xogaha uu Gabriel bixiyey oo buug laga sameeyey waxaa ka mid ahaa dhukumantiyo faahfaahinaya halgan maamul kala maroorsi ah oo u dhexeeya wadaadada sare ee Vatican, muranno siyaasi ah oo fool xun, xidhiidho jacayl oo ay wadaadada ku dooda in dumarku mamnuuc ka yihiin qaarkood ku kaceen, musuqmaasuq, dhagaro iyo dabinno ay isu dhigeen rag xurmo ku dhex lahaa Vatican.

Comments are closed.