Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Oo Bayd Ku Jiray Silsiladii Xaydha Ugu Jawaabay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka

1
711

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga doorashada Md. Ciise Yuusuf Xamari, ayaa ku adkaystay inay dalka ka qabsoontay doorasho wanaagsani, waxaanu sheegay inaanay guddiga doorashadu aqbali doonin in la xajiimeeyo doorashadaas oo uu sheegay inay ahayd mid adag.

 

Md. Xamari, oo shalay ka qayb galay munaasibad ay guddiga doorashadu bilad sharaf ku guddoonsiiyeen shirkadda Smith & Ouzmand Ltd oo ah shirkadii dalka Ingiriiska ku soo daabacday waraaqihii codaynta, waxa kale oo uu ka jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada UCID iyo Wadani oo ay ku sheegeen inuu khaladaad badani ku jiray doorashadii golaha deegaanka. Ugu horayn, wuxuu Ciise Xamari oo ka hadlaya doorashadii dhacday uu yidhi  “ Doorashadii maanta waxaad moodaa inay ka culays badnayd doorashooyinkii hore ee aynu u soo  marnay, waxa la kala dooranayay 2411 musharax oo ay ka soo baxayeen 353 xildhibaan, waxaanay ahayd mid ka duwan doorashooyinkii hore  waayo xubnahii sharaxnaa ayaa qaadayay xisbiga, halka doorashooyinkii hore asxaabta la kala dooranayay, intaas oo musharax oo sharaxan  ayaa dhamaantood qof ahaan iyo qabiil ahaanba waxay u guclaynayeen sax iyo khaladba inay helaan cod ay ku soo baxaan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “ Waxay komishanka doorashooyinka qaranku ay u badheedheen inay qabtaan  doorasho baaxadaas leh iyada oo ay jiraan duruufo doorashada ku ga’daamnaa oo ay ka mid ahaayeen dabaro sharci oo doorashada ku ga’aamnaa, diiwangalintii oo la laalay, habka liistada furan oo la qaatay oo ahayd arin inagu cusub gal daloolooyinkeedana lahayd, iyada oo aanay jirin dagmo doorashooyin kala xadaysan oo ay leeyahiin magaalooyinka waawayn, iyada oo aanu jirin sharci xakamaynaaya ku noq-noqoshada codaynta doorashada, intaas oo jirta waxa uu alle inagu guuleeyay qabsoomida doorashada deegaanada iyada oo aanay marnaba dhacin koontaraag wakhtigiisii dib ugu dhacay, hawlgalkii oo sidii loogu talo galay u dhacay  iyo qorshahii doorashada oo aan maalin kaliyaata ku talo galkiisii dib ugu dhacin.”

Wuxuu si adag u difaacay doorashadii qabsoontay, waxaanu yidhi  “ Intaas oo dhan oo jirta waxaanu leenahay komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu si badheedh ah u leeyahay doorasho wacan ayaa inoo qabsoontay, qaladaad yar yarina waa uu dhacay  oo qaabkii natiijada yeedhinteeda ah iyada oo ay jirtay cadaadis siyaasadaysan oo ka da’dajiyay intii la hibsanaayay, saacadii aanu yeedhinaynay natiijada hordhaca ah ee degmada  laba saacadood ka hor ayay ahayd markii shir jaraa’id lagu qabtay hotel Imperial  iyada oo kacdoon la codsanaayo iyada oo la leeyahay waxa inaga maqan dhaato, dhaato maqanina may jirin mar hadii aad haysid waraaqii oo Kombuyuterkii haddii uu furmi waayo oo aad haysid warqadii todabada xisbi saxeexeen waxay na kaliftay oo kaliyaata in aan dhawr saacadood oo kaliyaata dib u galino, taas oo aan dhib weyn ahayn, laakiin la wayneeyay markaas waxaanu leenahay doorasho wacan ayaa dhacday oo aanu ku adkaysanaynaa. Komishanka doorashooyinku marnaba ma aqbalaayo in la eedeeyo doorashada taas oo ay maanta ku fadhiyaan xildhibaanada cusub ee dalka oo dhan, wax faro galin ah oo ay xukuumadu nagu lahaydna ma jirto, runtiina waajibaad keedii waa ay ka soo baxday xag dhaqaale iyo nabadgalyo labadaba, waxaanu leenahay cida duraysa  doorashadii ee waliba dhamaantood xubnahii  uga soo baxay xisbiyada iyo ururada ay ku fadhiyaan kuraastii deegaanda.”

Ugu dambayn wuxuu u jawaabay xisbiga mucaaradka oo doorashadii deegaanka si adag u dhaliilay, waxaanu ugu soo hal qabsaday bayd ku jiray silsiladii caanka ahayd ee Xaydha la magac baxday, waxaanu yidhi “Silsiladii Xaydha ee ay maalintii dhawayd soo qaateen xisbiyada qaarkood  waxa ku jirtay bayd odhanaaya

Nin waxii hungurigiisa galay

 Hiifay waa qadafe,

Hareerbuu iskaga weeciyaa

Waxaan haboonayn,

Haddii uu hog seeg yahay

Maxaad uga hakoon wayday.

Comments are closed.