Xildhibaan Reer Sanaag Ah Oo Sheegay In Saylici La Degayo KULMIYE

0
535

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu ku dhaliilay kuna eedayey in aanu si cadaalad ah aanu dadka iyo dalkaba ugu shaqeeynin ee uu u kala hiiliyo, waxaanu kula taliyey inuu nidaamkiisa wax ka bedelo.

1

Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye aanay waxba u qaban Beesha uu ka soo jeedo, isagoo arimahan ka hadlayana wuxuu yidhi “Abaaro ba’an oo baas baa jirta, waxa runtii la doonayey inay Xukuumaddu wax ka qabato, runtii dadkii iyo xoolihiina wey leedanayaan, wax xoogana Xukuumaddu may saarin, meelaha suka ayey ku meersaynaysaa, waxaan u arkaa inay ciir isku qarin iyo ka bas tahay Xukuumadda, waayo haddii ay wax u hayso wax bay u qaban lahayd, waxay ku meersaynaysaa GLPG, Barri oo dhan GPLG, ma leh, Burco ayey ka jirtaa,Caynaba ma tagi karo, Laascanood, Badhan, Dhahar, GPLG, meelna lama gayn, Madaxweyne ku xigeen sidaas aad ku shaqeeynayso, haddii aanad waxba ku bedelin, ma soo baxaysid, Xisbiguna ma soo baxayo, waa inaad wax ka badashaa, waa inaad dadka u sintaa Xukuumadda iyo  xuquuqda ay dadku wada leeyihiin”.

Xildhibaan Bulqaas mar uu ka hadlaayey  Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Rag badan oo Golaha Dhexe ee Kulmiye ka mid ahaa, Rag badan oo taageerayaasha Xisbiga ka mid ahaa, oo ka biyo diidsan waxa ka socda Xisbiga oo ka aamusan oo  diidan ayaa jooga, oo bari ka maalin haddii ay wax garan waayaan meeshii  ka hilaacaya marka ay Doorashadu soo dhawaato,waar Xisbiga haddii sidan laga hagaajin oo wax loo qaban ma soconayo, mana shaqeeynayo, tiriibkan, oo waa in dadku meel uga soo wada jeestaan, oo dadku si wada raaca, maaha in afar ku shaqeeysa yidhaahdan anaga ayaa Kulmiye, oo waxan wada leh, waa laga hor imanaya, waxa jira dad badan oo ka hor imanaya oo ku diidan, iska daaya Xisbiyada Mucaaradka ee Kulmiye ka mid ah, waxa ilaa saxdaan waa habeenkii xalay ahaa ee tagay inay wax idiin kala dhaqaaqan, idinkuun baa isku meeraysanaya,waxaasi wax soconaya maaha, Beeshaydu Xisbigii Kulmiye raali kama aha, kumana qanacsana, siday wax u socdaan iyo ka mid ahaansha Xisbiga Kulmiye, anigu Xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay, oo dhiigayga iyo dheecankayga ayaa ka mid ah, oo meel kale uga dhaqaaqi maayo, laakiin taageerayaashayda iyo dadkayga ma ogola, waxyaabaha aanay u ogolayna waxyaabahaas ayaa ka mid ah, oo xuquuqdoodiba kuma hayaan Xisbiga Kulmiye, maantana cid ay ka haystaan Xisbiga Kulmiye garan maayo, oo cid noo joogta Xisbiga Kulmiye garan maayo, dhulkaygiina waa sidaas si leeg oo Kulmiye cid ka taqaana ma jirto, haddii aan wax la tarina dadku wey tashanayaan oo meelaha kale ayey marayaan”.

Xildhibaan Bulqaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xukuumadda Somaliland oo aan anigu ka mid ahaa, anaga ayaa ka cadcadeyn Dawladda Puntland, oo maamulkayga iyo arimahayga may inay soo farageliso wey ku adkayd, oo dad baa anaga ah ayaa ka tirsan oo Puntland jooga, oo Wasiiro iyo Xildhibaanaba leh, anaga ka cad-cadeen oo waxa la odhan jiray waxba ma keenaan, oo dhawr iskuul oo Hay’adda Care ka dhistay, ayaanu ku faani jirnay oo aanu odhan jirnay anaga Puntland dhana ee dadku ha na daayo, dadka waa reer Somaliland-ne, waxa soo baxay bariyahan dambe in tii Puntland ahayd ay naga fadala cadaato, oo naga awood weynaato, oo haddi aan imika xuso laba mashruuco oo waaweyn oo ay ka wado wadankii ayaa boqolkiiba midh ama laba aanan ka gaadhi Karin anagu, haddii waxaanu qabanay oo dhan la isku geyno”.

Xildhibaan Bulqaas ayaa mar uu ka hadlaayey muddo xilkeedkii Xukuumadda iyo lacagta ah boqolkiiba laba (2%), ee Gobolada Barri la siiyo iyo waxa lagu qabto ayaa yidhi “Muddo lix sanno ah oo ay Xukuumadda Kulmiye  haysay waa 25-milyan ama 30-milyan oo Dollar,ayaa ka soo xarooday, wax haba yaraate naga soo gaadhay oo la sheegi karo,hal ama laba boqolkiiba ma jirto, marba guruub qabsanaya oo dantooda eegaya mooye aan wixii danta guud ahayd aan ka shaqeeynin, imika Madaxtooyadu soo meel maaha reerka aan ka tirsan ahay  qof ka shaqeeya ma jiro, dadku ma jecla in runta la sheego, runta ayaanu sheegayna iyo hadba wixii jira, waa inaad qaatadan, oo warbaahinta ayaanu idiin marinaynaa, markaad si toos ah u qaadan weydaan,qoraal baanu idiin keenaynaa Madaxweynaha, Wasiiradda iyo cid walba, oo sidani socon mayso ee dawladda aynu wada wadaag no, oo Xukuumadda aynu wada yeelano, Madaxtooyada xabad shaqaale ah kuma lihin, Ciidanka xabad kuma lihin, ma waxaas baa cadaalada iska dhaaf Wasiirada iyo Dawladdaha ee Madaxtooyada intaa leeg mid yar oo shaqaale ah ayaa noo joogay oo Wasaaradda yar oo gidaar ah oo la yidhaahdo Barriga kiina waa laga erayey oo waxa lagu bedelay mid kale oo reer kale ah, waar xishooda oo is layaaba oo dadka wax ka siiya Xukuumadda, xabad Agaasime ah kuma lihin, boqolaalka Shaqaale ee Madaxtooyada jooga xabad kuma lihin”