Madaxweyne Siilaanyo Oo la Filayo Inuu Maanta Dalka Ku Soo noqdo

0
556

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa la filayaa inay maanta dalka ku soo laabtaan.

1

Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Itoobiya kula soo kulmay raysalwasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha ay ka wada hadleen. Sidoo kale waxa la filayaa inuu madaxweynuhu ka waramo kulamada uu la yeeshay Madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Laakiin lama hubo in madaxweynuhu saxaafadda la hadli doono iyo inuu sida looga bartay hareer mari doono warbaahinta.