xildhibaan Qabile Oo Si Adag U Naqdiyay Madaxweyne Siilaanyo

0
610

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee laga soo doortay gobalka Saaxil kuna abtirsada xisbiga KULMIYE, ayaa si adag u naqdiyay hanaanka hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba siyaasadiisa dibadda.

Xildhibaan Qabile, oo shalay magaalada Berbera ka soo saaray qoraal dheer ayaa waxa uu kaga hadlay siyaasadaha dibadda, khilaaf la curtay xukuumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada iyo amuuro kale,  “maanta oo laga joogo in kabadan 20 sanadood lasoo noqoshadii xoriyada iyo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana uu hogaanka u qabtay mid kamida hogaamiyayaashii ugu mudada dheeraa maalmihii qadhaadhaa ee halganka Mr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasoo doorashadii ugu danbaysay ee tartanka madaxtinimada JSL hadheeyay dhigiisii asxaabta kale ee Udub & Ucid, umada inteeda badanina aaminsanayd inay gacanta ka saartay hogaaminta dalka ninkii hadhinlahaa, waxay umadda reer Soomaaliland ku margatay, layaab iyo lama aragana ku noqotay, mudadii sanadka iyo badhka ahaydna ku murmaysay ( Hashu maankayga gadee ma maasaar bay liqday) waxaa dhacay wax aanay ummadani filanaynin, qorshaheedana aan ku jirin, taasoo mudadii gaabnayd ee uu xukunka dalka hayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, majaro habaabinta masiirkii Ummada kaasoo ka dhex muuqday dhacdooyin cad cad oo isu marag furaya.” Ayuu xildhibaanku ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu isagoo ka hadlaya dhismihii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu yidhi  “bilawgii Dhismaha xukuumadiisa cusub, waxa ummada kaga wareeriyay meesha uu ka keenay xulashada golihiiisa wasiirada, oo intooda badan la garan waayay halka uu ku salaysan yahay barduulkiisu.”, waxaanu ka sheekeeyay khilaaf la curtay xukuumadaas oo ka dhex oogmay iyada iyo golaha wakiilada.

Isagoo xildhibaanku ka hadlaya siyaasadda dibadda, wuxuu yidhi “Siyaasada Arrimaha Debeda ee dalka oo gashay mugdi: Marar badan oo goleyaasha qaranku u yeedheen Wasiirka Arrimaha dibeda, wuxuu si badheedha uga been sheegay waaqicii dhabta ahaa ee uu ku jiray waxaana is burinayay xaqiiqada dhabta ah iyo Jawaabihii uu bixinayay, waxaa tusaale inoogu filan s