Madaxweyne; Maantana Maxaad Odhan?

3
734

Muqdisho(Geeska)-Waxa shalay 17 sannadood ka dib magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu guuray xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.

Xafiiskaas oo uu madax ka yahay Danjire Augustine Mahiga, ayaa waxa Muqdisho ku soo daabulay laba diyaaradood, waxaana si diiran u soo dhaweeyay oo xafladii furitaanka xafiiskiisa ka qayb galay dawladda Sheekh Shariif oo si weyn ugu sacabo tunay go’aanka uu Muqdisho ku degay, waxaanu khudbad uu Mr. Mahiga jeediyay ku sheegay sida uu ugu faraxsanyahay inuu xafiiskii siyaasadda ee Qaramada Midoobay u raro Muqdisho oo ah caasimadda dalka Somaliya.

Go’aanka uu danjire Mahiga xafiiskii siyaasadda ee qaramada Midoobay ugu raray Muqdisho ayaa wuxuu ka dambeeyay socdaal uu dhawaan halkaas ku tagay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon. Laakiin guuritaanka xafiiskiisani waxa uu saamayn ku yeelanayaa siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somaliland. Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNPOS oo hore u degenaa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa inkastoo aanu marka horeba wax nasteex ah u hayn Somaliland, haddana waxa ay dad badani u arkayeen in ugu yaraan uu degenaanshihiisa Kenya muujinayay inuu dhexdhexaad ka yahay arrimaha Somalida, laakiin go’aankiisan haddu wuxuu muujinayaa inuu si rasmi ah u gudo galay hawshii uu u xilsaarnaa ee Somaliya, waxaana cad in xafiisyada Qaramada Midoobay ee siyaasadda iyo mucaawinada hadda wixii ka dambeeya laga maamuli doono magaalada Muqdisho, taas oo uu macnaheedu yahay inay Qaramada Midoobay go’aamisay in Hargeysa laga maamulo Muqdisho. Waxase aan la garanayn go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto Danjire Mahiga iyo guud ahaan hay’adaha Qaramada Midoobay, waxase la ogyahay in xidhiidhka Somaliland iyo xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay uu isbedel weyni ku yimid tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo uu xilka qabtay, mana jirin xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxayn jiray xukuumadihii hore iyo Qaramada Midoobay. Waxa kale oo la ogyahay sidii adkayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawr bilood ka hor u difaacay Danjire Augustine Mahiga oo ay xisbiyada mucaaradka iyo bulshada Somaliland ku eedeeyeen inuu dabada ka riixayay kooxda Awdal State.

Si kastaba ha ahaate waxa ay dad badani sugayaan waxa ay maantana Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu kaga jawaabaan go’aanka ay Qaramada Midoobay qaadatay oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu hoos u dhigayo meeqaamkii Somaliland. Ma sidii caadada u ahayd ayay xukuumadu difaaci doontaa Mr. Mahiga iyo siyaasadihiisa halista ah ee qunyar socodka ah mise waxay ka qaadan doonaan go’aan cad.

Comments are closed.