Maxaa Iska Bedelay Aragtidii Ingiriiska Ee Somaliland?

7
694

Hargeya(Geeska)-Dawladda Ingiriiska oo xidhiidh wanaagsan la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqata inay wax iska bedeleen mawqifkii ay ka taagnayd Jamhuuriyadda Somaliland.

Mawqifkaas dawladda Ingiriiska oo aan gaadhsiisnayn heer aqoonsi caalami ah ayaa u muuqday inay dawladda Ingiriisku taageersantahay ilaalinta iyo dhawrista Somaliland, waxaana la ogaa in Raysalwasaarihii hore ee dawladda Ingiriiska Mr. Gordon Brown uu mar qoraal u soo diray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu qoraalkaas ku sheegay inay dawladiisu taageersantahay in si gaar ah loo ilaaliyo Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu xilligaas qoraalkiisa ku muujiyay inuu Ingiriisku si gaar ah u danaynayo inay Somaliland qabato doorashada madaxtooyada si uu caalamku wax ugu qabto. Laakiin tan iyo markii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la wareegay xilka madaxtinimada Somaliland, inkastoo uu Ingiriisku sheegay inuu kor u qaadayo mucaawinadii uu siin jiray Somaliland, haddana waxa uu u muuqdaa inuu dib uga gurtay aragtidii uu ka taagnaa Somaliland ee dhinaca siyaasdda, waxaana taas markhaati ka ah inuu Ingiriisku go’aansaday inay Somaliland dhex fadhiisato kooxaha Somaliya ee uu bisha dambe shirka ugu qabanayo dalka Ingiriiska, kuwaas oo aan la meeqaam ahayn.

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khudbad uu ka jeediyay dibad bixii Hargeysa ka dhacay Axadii, wuxuu ku sheegay inuu xilligoodii Ingiriisku taageersanaa Somaliland, balse uu hadda u muuqdo inuu u xaglinayo dhinaca kooxaha isku haysta talada dalka Somaliya.

Si kastaba ha ahaate, mawqifka cusub ee dawladda Ingiriisku qaadatay ayaan la garan Karin waxa sababay, waxase ay dad badani tuhmayaan inay sababtay siyaasadda dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay bulshadu aad u dhaliisho.

Comments are closed.