“Madaxweynuhu Xisbigiisa Wuu Dayacay Oo Labadii Mujaahid Iyo Shabeel Ayaa Ku Hadhay”

0
704

sawirka-cabdirashiid-xaqsoorHargeysa (Geeska)-Mr. Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ahaa afhayeenka urur siyaasadeedkii Xaqsoor, ayaa sheegay In Madaxweynaha Somaliland dayacay Xisbigiisi, oo aanu dan ka lahayn, oo uu xooga saaray Xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in Xisbiga ay ku soo hadheen oo qudha Guddoomiyaha Muuse Biixi, Guddoomiye ku xigeenka kowaad Maxamed Kaahin, Xoghayaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu dib u xoojiyo Xisbiga Kulmiye.

Cabdirashiid Jaamac Dheri ayaa isaga oo uu waramaya Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu tilmaamay in hadalkaas uu Madaxweynuhu la ogaa, waxaanu sidoo kale ka hadlay Doorashada, oo uu shaki ka muujiyey qabsoomideeda, balse waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu Doorashadu dhacdo, waxaanu yidhi

“Doorasho inay dhacayso saasanteedui ima muuqato, oo wakhtigeedii ayaa  soo galay, wax Diiwaangelin ah oo la sameeyeyna ma jirto,Diiwaangelintii Madaniga ahayd ayaa Gobolada Somaliland ka wada dhicin, Doorasho abaabulan oo muuqatana ma jirto”.

Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri ayaa mar uu ka hadlaayey Hogaanka Xisbiga Kulmiye yidhi “Anigu waxa aan jeclaysan lahaa Madaxweynuhu inuu qabto Doorashada, waayo XIsbigiisina uu dayacay, oo Xisbul xaakimkii Kulmiye uu dayacan yahay, oo waxa aan arkaa Labadii Mujaahid iyo Jaamac Shabeel oo qudha ayaa Kulmiyei hadal haya,oo Xisbigii meel uu ka dhacay la garan maayo, balse Madaxweynuhu halka uu Xukuumadda ka xoojinayo oo Labatanka Wasiir daba cararayaan  Barri iyo Galbeed  daba socdaan,  waxa ahayd inuu XIsibga xoojiyo,  oo dardar gelin XIsbiga uu ku sameeyo, oo Golaha dhexe Shirweynahoodii qabsadaan”.

Cabdirashiid Jaamac Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Hadalkaas  Cismaan Buurmadaw inuu iska yidhi oo hawo ka keentay uma arko, Boqorku beeshiisa uu u dhuun daloola, oo waxa Abeeso ogtahay ilmaheedna og, oo waxa uu Boqor Buurmadaw ogyahay Siillaanyana uu og yahay, arinkuna waa sii dhawaaji Boqor oo dadka muran sii gali”.

Mr. Dher,  ayaa  isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Anigu Xukuumadii hore iyo Xukuumaddan midna kamaan mid noqon oo Dawlad yaqaan ma ihi, oo Xukuumaddan waxa ka buuxa Rag ka tirsanaa Xukuumaddii hore, iyo tii Siyaad baraba, Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Wasiiradeedu waxa ay ahaayeen qaar isku xidhan, balse waxa aad mooda Wasiiraddan in silsaladoodu aanay taxnayn”.

Afhayeenkii Urur siyaasadeedkii Xaqsoor oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland Maanta meel ILLAAHAY loogu mahadnaqo ayey joogta, ee waxaan Bulshada ugu baaqaya inay Nabadgeliyada wax walba ka horeeysiyaan, oo xaqoodana lumin, waxa halkaas ina soo gadhsiiyey is dhegaysi is maqal, talo la toocsado iyo arin lala hagaagto kumaynu soo dhaqmi jirin, imikana taas ayaa muuqata, waxaana leeyahay Xukuumaddu hagoogta xun ee ay ilaban tahay ha iska dayso, waxa  kale oo aan leeyahay Sihr dambe oo Turkiga lagu qabta oo wax inoo soo sidaa ma jiro, uu ina furfuraya, Siyaasadeedna uu qarabiya, oo Maalin wallba Xamar ayuu ka dagayaa, oo hub iyo Saanadba uu siinyaa, waxaana leeyahay Shir dambe oo lagu qabto ha laga mudaharado, oo waxa aan leeyahay waa in qodobadii ka soo baxay Shirarkii Ingiriiska iyo Jabuuti la tixgeliyaa, oo walibana meel kale loo wareejiya Shirka uu Turkigu Somaliland iyo Somaliya u qabanayo”.