Xildhibaan Qabile Oo Ka Hadlay Saami-qaybsiga, Beelaha Hayb-sooco iyo Manhajka Waxbarashada

0
566

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xeerka Garsoorka ee Maxkamadda sare laashay, waxaanu xusay in Sharicga Somaliland uu baalmarsan yahay.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xeerka Doorashooyinka ee hor yaalla Golaha uu ka tirsan yahay, Kootada Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco ee laga saaray, tabashada Saami-qaybsiga iyo masuuliyada Maadooyinka lagu dhigo Dugsiyada dalka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Xeerka Garsoorka ee la laalay “Arrinka Garsoorku mar haddii uu Xeer Garsoor yahay, haddii uu la socon waayo wakhtiga, ama uu meelo ka hor yimaaddo Xeerku, ama dhaliil ay Xukuumaddu ku aragto, Madaxweynaha inta la siiyo warbixinta ayey ahayd inuu wax ka beddel iyo kaabis uu ku soo sameeyo, oo Golayaasha ku soo celiyo, oo dabadeed Golayaasha Sharci-dejinta uu soo maro, laakiin Xeerka Garsoorka ee la laalay waxaan u arkaa inuu  baalmaraysan yahay Sharciga Somaliland”

Mar uu ka hadlayey Kootada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco ee la laalay ayaa yidhi “Sida uu dhigayo qodobka siddeedaad ee Dastuurka, wuxuu dhigayaa in xuquuq siman ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland, iyadoon loo eegayn lab iyo dhedig, isir, mudnaan afkaareed iyo wax la mid ah, sidaas darteed Kooto loo xidho Haween meelna kama soo gasho Dastuurkeena, ta kale Beelaha la leeyahay waa la hayb soocaa waa dad muwaadiniin ah ee cayda laga daayo”.

Mar uu ka hadlayey tabashada Saam-qaybsiga ayaa yidhi “Ciddina boqol malyuun bay gaadhin, ciddina intaas may tarmine, xil gudasho la’aan ku dhacday dawladdihii kala dambeeyey ayaa tiri koob samaynin, walibana arintu waxay taagan tahay halkii 2005, Xukuumaddan Maanta joogtana waa inay iyadu qabataa saami-qaybsiga oo ay ka duwanaanta Xukuumadihii hore, laakiin ninka doodaya ee leh kuraas dheeraad ah ayaan leeyahay, waxaan leeyahay qayb ka mid ah looma qaban karo, ee waa dayac ku dhacay Somaliland oo dhan ee  si Doorashooyin hadda inoogu dhacaan waa in lagu kalsoonada go’aanka Maxkamadda sare”.

Mar uu ka hadlayey Manhajka Waxbarashada ee dalka iyo cidda masuuliyaddu ka saaran tahay ayaa yidhi “Arintan la sheegayo cid loo ciqaabay oo xilkii lagaga qaaday baa jira, haddii la waayo arinkan la sheegay oo been abuur noqoto waxay noqonaysaa in la deg degay, oo lagu deg-degay cidda xilka laga qaaday, iyo Dugsiga been abuurka laga sheegayaba, maxaa yeelay Muddooyin badan baa Iskuulada lagu dhigaa, arrimaha diinta wuxuu waajibaad iyo xil ka saaran yahay inay ogaato Wasaaradda Awqaafta, haddii ay wax u dhuunteen iyo haddii ay wax dhaafeenba waxaa eeddeeda iska leh Wasaaradda Awqaafta, maxaa yeelay masuuliyadda koowaad iyada ayuu ka saaran yahay,  Diintuna waa halbawle, qofkuna haddii ay badhidu xanuunayso ma fadhiisan karo, inay wax walba oo ku saabsan arrimaha diinta madaxa manaahijtuna wax walba masuuliyadooda ma qaadi karo, ilaa hadda xaqiiqada jirta ma garan karo oo ma ogin, laakiin haddii khalad yimid, cidda loo raacayo ee canaanta ku lihi waa Awqaafta”

 

Geeska.net/Hargeisa Office