Xildhibaan Qabile Oo Ka Hadlay Khilaafka KULMIYE Iyo Eedaha Labada Garab

0
459

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in khilaafka Xisbiga Kulmiye uu taagnaa ilaa iyo Shirweynihii  ka dhacay Burco, waxaanu tilmaamay inuu Khilaafkani xadkiisi ka baxay, oo uu samayn aad u xun ku yeeshay Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo isagu ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Golaha Wakiilada ee uu ka tirsan yahay ugu baaqay in aanay Golaha Guurtida ku eegin soo afjarida khilaafkan ee ay soo  dhex galaan,oo ay iyana dhankooda ka dhameeyaan, waxa  kale oo uu Labada Xisbi Mucaarad iyana ugu baaqay inay u gurmadaan Kulmiye.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Geeska Afrika wareysi khaas ah siiyey ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay joojiso Ololahan ay wado ee ay dadka ku kicinayso, waxaanu Golaha Wasiirada ka codsaday inay waajibkooda gutaan, waxaanu sidoo kale soo jeediyey in Sharciga la hor keeno dadkii iyagu u xidhxidhnaa qaraxii Shaanida, waxaanu ugu horeyn  yidhi “Khilaafka Xisbiga Kulmiye, maaha khilaaf cusub oo hadda curtay, ee waxa uu waxa uu u kala baxa laba arimood oo ah khilaafka hadda taagan oo ka bilaamay Kursiga dalka ugu sareeya ee Madaxweynaha, oo Musharaxnimadiisa lagu isku haysto, khilaafna waxa uu ahaa mid soo jiitamaayey ilaa iyo Shirweynihii lagu qabtay Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco, waxaanu Khilaafkani taagnaa ilaa Maalintaas ilaa Afartii Sanno ee Xukuumaddani taladda dalka haysay, balse hadda ayuu  caadi u qarxay, waxaanu Khilaafkani dhaafay xadkii loogu talagay, sameeyn aad u xuna uu inagu yeeshay, oo xitta waxa  ogaaday oo uu gaadhay Aduun weynihii, iyo Wadamada jaarka inala ah, sida Jabuuti, Itoobiya,meel aad u xuna uu maraya khilaafku”.

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Soo afjarida khilaafka Kulmiye, waxa galay Golaha Guurtida, anaga oo ah Golaha Wakiilada oo la  siman, oo isku ah Gole Qaran, waanu daawanaynaa, mana qurux badna in aanu waajibkayga dayacno, oo aanu eegano, haddii aanu nahay Golaha Wakiiladana waa in aanu xalinta khilaafka Kulmiye dhinaca ka galnaa oo aanana ku halayn Guurtida oo qudha, waxa kale oo aan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, iyana u soo jeedin lahaa in aanay eegan dhibaatadan ka dhex taagan Kulmiye ee waa inay ka hadlaan oo dhankoodana khilaafkan soo dhex galaan oo ay dhameeyaan, waxa sidoo kale dadka indheer garadka ah, Dhaqan yaqaanka, Madax dhaqameedka, Aqoonyahanada iyo cid walba oo reer Somaliland ah waxa aan ugu baaqaya inay khilaafkan damiyaan”. 

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Fariin uu u diray labada Garab ee Kulmiye ayaa yidhi “Hadda waxa mooda in iyada oo aan la gaadhin Ololihii Doorashada, in Olole balaadhan Dawladdu wado, oo ay dadka kicinayso, taas oo mar walba Labada Garab ee Kulmiye u kala baxay,  Garab gaar ah, gaar ahaan Garabka Xukuumadda aynu aragno in si xawliya ay u wado Olole balaadhan oo ay Maalin walba cid gaar ah ama reer gaar ahi hadlayaan, waxaana u soo jeedin lahaa  Garabka Xukuumadda taageersan iyo Garabka Guddoomiyaha taageersanba inay joojiyaan Ololahan oo aanay khilaafka sii kordhin.  Madaxweynuhu isaga ayaa xaq u leh inuu magacaabo Wasiiradda, Sharcigaana dhigay, inay taageerana xaq ayey u  leeyihiin, balse maaha inay Hudheelada Hargeysa ay iskaga dab qaadan, oo ay Ingaydh ku noqdaan, Shaqadoodii loo igmaday ee ay Qaranka iyo Bulshada u hayeena ay gabaan, runtii waxa jira Wasiiro iyagu aan ku dhex milmin Siyaasadan iyo khilaafkan, balse Wasiiradda qaar ayaa iyagu hawshan ku jira, oo hawshoodii gabay, anigu waxa aan aamisan ahay inuu Madaxweynuhu caadi yahay, oo ay been tahay waxaan laga sheegayo, waa Madaxweynihii dalka, Maamus ayuu leeyahay, Kursigii dalka ugu sareeyey ayuu ku fadhiyaa, inuu khilaafkan soo afmeero weeye”. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile mar uu ka hadlaayey dadka u xidhxidhan arrimahan ayaa yidhi “Golaha Guurtida, waxaan ka codsanaya oo aan ugu baaqaya madaama ay Guurtidu khilaafkan taagan gashay si ay u dhameeyso, waxa haboon in Saraakiisha iyo Mujaahidiinta lagu eedayno inay qarxiyeen Shaanida, inay ka hawl-gasho sidii Sharciga iyo Maxkamada loo horkeeni lahaa haddii ay dambi leeyihiina loo xukumi lahaa, haddii aanay lahayna xoriyadooda loogu soo celin lahaa, waxaana wacnayd in inta aanay khilaafkan guda gelin inay hawshan kale guda gasho,waxaana Maanta dhabar jab ah in la yidhaahdo Muuse Bixii ayaa ka dambeeyey Qaraxyadan Shaanida, waxa dhabar jab ah in la yidhaahdo Saraakiil iyo Mujaahidiin dalka u soo halgantay ayaa u xidhan qaraxyo Shaani, waxa aynu ognahay in Kenya qarxyo ka dhaceen, Jabuuti ka dhaceen, Itoobiya looga digay, inay taxadir fara  badan sameeyno, oo aynu ciyaarta iska dayno, oo amaankeena iyo nabadgeliyadeena adkaysano ayaa loo baahan yahay,  ee maaha inaynu inagu qaraxyo isku saadino”.