Labada Garab Ee KULMIYE Oo Balan Qaaday Inay Aqbali Doonaan Go’aanka Ay Ergadu Guurtidu Gaadho

0
500

Guurtida oo la filayo inay maanta ku dhawaaqaan go’aanka

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labada garab ee sababta u ah khilaafka KULMIYE oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u cadeeyay inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ka soo baxa ergada golaha guurtida ee ku dhex jirta khilaafkaas. Wasiirka cadaaladda Mr. Xuseen Axmed Caydiid iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Mr. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo shalay ka qayb galay dood ay laanta Afka Somaliga ee BBC u qabatay khilaafka KULMIYE, ayaa waxa ay ku cadeeyeen inuu dhinac waliba aqbali doono natiijada golaha guurtidu soo saarto.

Dooddaas oo uu daadihinayay weriye Axmed Cabdi Nuur, una muuqatay mid ku socotay jawi degen, ayaa wasiirka cadaaladda oo ugu horayn ka hadlaya adhaxda khilaafka KULMIYE, wuxuu yidhi  “Runtii khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye, waa khilaaf ay sabab u tahay Hunguri Siyaasadeed ama damaca Siyaasadeed, oo iyada oo Madaxweynihii Xisbiga Kulmiye markii uu taladda dalka u guuleeystay uu Garabkii kowaad uu ku wareejiyey, oo Sumcadiisa uu ku leeyahay dadweynaha ay marayso meeshii  ugu sareeysay,  uu Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye damcay inuu isku sharaxo Doorashada, taas oo runtii khilaafsan hab dhaqanka lagaga dhaqmo Caalamka oo dhan, kol haddii Madaxweynihii fadhiyo, oo ay banaantahay inuu Madaxweynihii isku sharaxo mar labaad, sumcadiisuna ay jirto halkii ugu saraysay,in Xisbiguna keeno qof kale waa waxa aan Caalamka runtii ka dhicin inta badan, taas ayaana u sabab ah khilaafka, waana khilaaf marar oo hore badan soo socday, oo markii Shirweynihi Xisbiga ee 2008 la qabanayey, uu Guddoomiyaha Maanta uu isaga oo musharaxnimo Madaxweyne ku xigeen hungureeynayey, uu Shirkaasi sababtaas dib noogaga dhacay, si loogu qancin lahaa inuu Musharaxnimadaas uu ka joogo, oo loogu maslaxay inuu qaato Guddoomiyaha labaad ee Xisbiga,markii  dambena Golihii Dhexe ee ka soo baxay Shirweynihii 2008, ayaa iyada oo Guddoomiyuhu uga baaqday in Maslaxaad lala galo, iyada oo hal Maalin uu Shirkii baaqday, kana waa khilaafkii Saddexaad ee ka soo baxay Guddoomiyahayga, uu khilaaf Xisbiga galiyey, waa mid runtii Nasiib daro ah ayaan odhan karaa, sidaas ayaanu khilaafku ku yimid, sidaas ayaana u maleeynaya, waana hab dhaqan Caalamka ku cusub.”

Jaamac Shabeel, ayaa isna markan u baxaya doodda, waxaanu marka u horaysa durayaa wasiirka cadaaladda, waxaanu yidhi  “Waxa marka hore ayaan daro ah in Ninka ila doodaya uu yahay Wasiirkii Cadaalada Somaliland, waxa uu duudsiyayaa waa Xuquuq Dastuuriya, oo Sharciya oo Dastuurka Sharcigu siinayo qof kasta oo Muwaadin ah, waxa uu ku ceebaynaya oo uu yidhi waxa aan ahay Musharax, taasina waa nasiib daro, waxayna taasi ku tusaysaa Cadaalada Wadanka ee laga cabanayo Madaxeegii, waana  ayaan daro weyn oo dhacday,  waana nasiib darada haysta, waa xuquuq Dastuuriya  oo uu leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga,isaga oo keliya ma leh oo qof walba ayaa leh, aniga ayaa leh, xaq ayaanu u leeyahay, khilaafka Xisbiga marka aan u soo noqdo sababtiiisa, khilaafka Xisbiga waxa wada Xubno Golaha Wasiirada ka tirsan oo kooban, oo sidaas Madaxweynaha ku wareegsan, Xubnahaasi ujeedada u socdaan waxa weeyaan inay khilaafka ka shaqeeyaan oo ay isku dhuftaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga, oo marka hore ka takhalusaan Guddoomiyaha Xisbiga, marka dambena Madaxweyne ku xigeenka,dabeedna ay la wareegaan Meesha, ujeedada u socdaan u dambeeysa waa intaas, mushkiladna maaha inuu inuu qof yidhaahdo waan is sharaxayaa”.

Waxa uu weriye Axmed Cabdi Nuur, labada dhinacba weydiiyay inay ku qanci doonaan natiijada golaha guurtidu soo saarto. Ugu horayn Jaamac Shabeel ayaa yidhi “Golaha guurtida annagu maalintii u horaysay ee ay noo yeedheen ayaanu tallada ugu dhiibnay iyagaa shan cisho lagu noqnoqnayay, sidaanu ugu dhiibnay ayaanay noogu taalaa annaga.”

Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isna yidhi “Mandate-kii in lagu qanacsanyahay odayasha guurtidu wixii ay soo saaraan waanu siinay oo garabkan madaxweynuhu hoggaaminayaa waa siiyay.”

Golaha guurtida ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqaan go’aanka ay ka gaadheen khilaafka xisbiga KULMYIE ee ay dhex galeen.