Xildhibaan Nacnac Oo Sheegay Inaanay Ansixin Doonin Haddii La Soo Celiyo Wasiiradii Hore

48
3798

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyay inuu soo dhiso xukuumad ka madhan wasiirada xukuumadii hore oo uu ku tilmaamay kuwo aan dalka waxba u qaban.

Waxa uu xildhibaan Nacnac sida oo kale uu sheegay in aan golaha wakiilada Somaliland ansixin doonin xukuumada madaxweynaa cusubi uu soo dhisayo haddii aanay ka maqnaan wasiirada aanay shacabigu jeclayn, waxaanu sidan ku sheegay xildhibaanku waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Madaxeynuu aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaan kula talin lahaa dhiig cusub ayaa loo baahan yahay oo dhalinyaro ah nimankii wasiirada ahaan jiray ee aynu garanayno ee dhiigmiiratada ahaa  in aanu kuwaas waxba ka soo celin, oo yarkaas Sharmaarke oo dalka u shaqaynaaya noociisa inuu keeno meesha oo aanu qabiil u kala eegin, waa siduu yidhiye hadii qabiil kaliyaata uu wada siiyo sodonkaba qaar uun baa qatan, haddii uu kuwii hore uu soo celiyo ma ansixinayno ee ha ogaado.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here