Xildhibaan Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyay Talooyin

22
2983

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey talo ah in Wasiir walba xilka qaran ee uu umadda u hayo in lagula xisaabtamo oo lagu daba galo, si aanu u moodin Wasaaradda uu xilka ka hayo meel uu leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in muhiimada iyo ahmiyada la siiyo Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Amaanka iyo Beeraha, isla markaana si gaar ah loo daryeelo Ciidamada iyo Macalimiinta, waxaanu ugu horeyn yidhi “Qof looma dooranaynin ee umaddu waxay dooranaysay mab’da. Qofku waa shaqsi, laakiin mab’du waa wax dalka iyo dadkaba dan u ah, Wasaaraddaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha la hagaajin, oo Ciidanku aanu nolol fiican helin, oo Macalimiintu nolol fiican helin,dadkuna aanay daryeel Caafimaad oo fiican aanay helin, dadku dawana heli maayaan, waxna lama baranayo, nabadgalyana ma ilaashamayso, ta kale Wasaaradda Beeraha oo wax soo saar saamaysa, ayaa muhiim ah, in Wasaaraddeena beeraha la tirtiro iyo inay wax soo saar sameeyso, wax ka dhexeeya ma jiraan, in Ciidanku Qaranka qaybihiisa kala duwan   waa in waxtar weyn loo sameeyaa, waa inay guryo aanay kirada ka fikirin oo ay galaan loo sameeya, Hay’addaha guriyaha u dhisa qaxoontiga waa inay Ciidanka Qaranka iyo Macalimiinta guriyo u dhisaan,  waa inay Waxbarashadu lacag la’aan noqoto, Caafimaadkuna waa inuu lacag la’aan noqda sida Dhakhtarka weyn iyo meelaha la midka ahba, si loo helo daryeel caafimaad oo bilaash ah, Waxbarasho bilaash ah dadkuna iskugu tashado”.

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey Biyaha ayaa yidhi “Somaliland horumar waligeed ka gaadhi mayso Biyaha inta ay haystaan kuwa hadda haysta,mujtacamihii Doorashada cadceeda u taagnaa, maanta (shalay), waa kuwii hadlaayey, ee lahaa biyo ayeynu u baahan nahay, Caasimaddu biyo ayey u baahan tahay, Caasimaddeenu Biyo iyo Waddooyin ayey u baahan tahay, waa qorshe laga yeesho quruxnta Caasimadda, oo biyana la helo, Waddooyinkuna ma dhisana mana qaabaysna ee in la habeeyo weeye”.

Xildhibaan Maxamed Wali  mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Si maceeshadu isku bedesho waa in wax soo saar la helo, yaanyadii la cunaayey ayaa Itoobiya iyo Yamen laga keenaa, sicir bararkana waxa wax lagaga qaban karaa in wax la soo saaro, Dawladdu waxba kama qaban karto, ee Dawladdu ma yaanyo ayey keenaysa , ay iyadu Madaxtooyada ka soo saartay, waa in imika Madaxweynuhu ka shaqeeya in beero la beerto, oo Wasaarad waliba beer loo beera ay dhaqaalaheeda ku kabto,   oo lacagtoodu wax u tarto, oo aanay suuqa u soo gelin”.

Mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Golaha Wasiiradda ee la filayo iyo taladdiisa ayaa yidhi “Anigu wax mushkilad ah uma arko Xukuumad tiro yar iyo Xukuumad tiro badan, waxa muhiim ah oo qudha wax qabad, in wax la qabto ayuun baa dan ah, haddii aan waxba la qaban oo la isku meeraysto oo Madaxtooyada lagu meeraysto, waa mushaakiil, Wasiiraddii hore Madaxtooyada ayey dhoobnaayeen, Wasiiraddana haddii ay Madaxtooyada dhoobnadaan wey u dhammaatay,Madaxtooyada ayey wax walba ka go’aan, haddii aan Wasiiradda lala xisaabtamin sidii hore ayey ahaanayaan Wasaaraddahuhu, oo bakhaar nin xukumo ayey ahaanayaan, laakiin in lala xisaabtamo ayaa muhiim ah, madaama xil qaran umadda u hayaan, mana qabo in dad la keeno, balse haddii uu cid ka aqbalayo waa inuu ka aqbalaa Cuqaasha iyo Salaadiinta,  waa in nin ay u soo wada saxeexeen Cuqaasha iyo Salaadiintu yimaada meesha, hadhawna uu kula xisaabtamo, laakiin nin suuqa laga soo kaxeeyey oo nin taajir ah oo xittaa ahayn reerkii uu ka dhashay uu keeno haddii uu geeyo reerkiina dan uma aha, isagana dan u noqon maayo, madaama Dawladdeenu Salaadiin iyo Cuqaal ku taxaluqdo waa in Wasiiraddana halkaas lagu saleeya, wax bulshadii lagu soo jeedin karo ama lagula xisaabtami karo, waa in loo geeya, haddii uu Wasiirku ku xumaado Dawladdana waa inay Dawladdu u sheegtaa cuqaasha, oo ay tidhaahda ninkan nin kale ku soo bedela, laakiin anigu waan qabaa in Cuqaasha iyo Salaadiinta lagala xisaabtamo, dadkeenu cuqaal buu ku shaqeeya, ta kale dadkeena qurba jooga ahi iyana dad badan oo aqoon leh ayaa ku jira, waana muwaadiinin, xaqna wey u leeyihiin in xilal loo magacaabo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here