Masar, Sudan Iyo Itoobiya Oo U Muuqda Inay Isu Bu’ayaan

30
2817

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Dareeno ayaa ka dhex taagan dalka Masar oo dhinac ah iyo dalalka Itoobiya iyo Sudan oo dhinac ah kaas oo ka dhashay Dhaamka biyaha ee ay Itoobiya dhisanayso oo ay Masar aaminsantahay inuu halis gelinayo webiga Niilka.

Masar oo ah dal intiisa badani ay tahay lama degaan kuna noolyihiin bulsho gaadhaysa boqol Milyan oo ruux oo noloshoodu ku xidhantahay biyaha Niilka, ayaa ka cabsi qabta in dhaamka Itoobiya uu yareeyo qaybtii Masar ee biyaha Niilka, waxaanay Qaahira ku eedaynaysaa Addis Ababa inaanay diyaar u ahayn inay iskaashi arrintaas dhaamka ka samayso. Masar iyo Suudaan ayaa taariikh ahaan ahaa laba dal oo isku siyaasad ah marka laga hadlayo siyaasadda Niilka, laakiin hadda waxa isku dhinac ah Itoobiya iyo Suudaan.

Dhaamka Itoobiya oo u muuqda inuu 60% dhammaad yahay ayay Masar si weyn uga cabsi qabtaa, waxaanay dawladda Masar mararka qaarkeed jeedisaa hadalo dhiilo leh oo colaadeed. Masar way ku adagtahay inay wakhtigan dhaamka Itoobiya ka qaado talaabo milatari dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaana muuqda inay saddexda dal sii kala durkayaan. Itoobiya iyo Sudan ayaa isku mawqif taagan, halka ay Masar tahay go’doon.

Wasiirka khaarajiga Sudan Mr. Ibrahim Ghandour ayaa sheegay inaanay Masar ka xumayn oo keliya dhaamkan balse ay ka walaacsantahay inay Masar ka joogsanayso saami kamid ah biyaha Sudan oo ay Masar hadda isticmaasho, waxaanu sheegay in la gaadhay wakhtigii ay Masar inteeda isticmaali lahayd, Sudana qaybteeda. Laakiin wasiirka khaarajiga ee Masar Sameh Shoukry ayaa beeniyay doodda wasiirka Sudan, waxaanu sheegay in hadalka Sudan muujinayo dareen ah in lagu fashilmay in iskaashi lala sameeyo guddiyada farsamo ee warbixinta ka diyaarinayso saamaynta uu dhaamka Itoobiya ku yeelanayo biyaha Niilka.

Masar ayaa la sheegay inay qirsantahay baahida ay Itoobiya u qabto horumar ay ka samayso dhaamka oo la sheegayo in faa’iidadiisu gaadhi doonto bariga Afrika oo dhan, waxase ay Masar qabtaa in biyuhu u yihiin Masar nolol iyo geeri. Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi ayaa dhawaan sheegay in Masar biyuhu uga dhiganyihiin nolol iyo geeri taas oo macnaheedu yahay in haddii biyaha la helo ay Masar ku naaloonayso degenaansho iyo barwaaqo, haddii la waayana ay baab’i karto, waxaanu isagoo hanjabaya uu yidhi “Cidina ma taaban karto saamiga Masar ee biyaha. Waxaanu awood u leenahay inaanu ilaalino amniga qarankayaga, isticmaalka biyuhuna waxay noo yihiin amniga qaranka.” ayuu yidhi Mr. Siisi oo aan bixin sharaxaad dheeraad ah. Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ka jawaabtay hadalka madaxweynaha Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Masar iyo Sudanba arrinta dhaamka kala samayso iskaashi buuxa.

Si kastaba ha ahaate, waxa isa soo taraya inay soo baxayaan dareeno kala fogaansho oo u dhexeeya dalalkan Itoobiya iyo Sudan oo isku dhinac ah iyo Masar oo dhinac ah. Itoobiya ayaa u muuqata inay ku dedaalayso sidii ay u hirgelin lahayd dhaamkeeda iyadoo qancinaysa Masar, halka ay Masar mar walba dareen shaki ah ka qabto dhaamkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here