Xildhibaan Nacnac Oo Ka Jawaabay Doodda Xukuumadda Ee Inaanu Dalka Mucaarad Jirin

0
1175

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida Dhaqaalaha, ayaa ka hadlay cashuurtii ay qaar ka mid ah Wasiiraddu ku soo darsadeen Miisaniyaddii Qaranka, oo ay ka saareen, waxaanu tilmaamay in Cashuurahaasi ahaayeen kuwa sharci daro ah oo aanay umaddu qaadi karin, sidaas darteedna ay Gole ahaan ka saareen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waanu ka saarnay cashuurtii ay Wasaaradduhu ka soo darsadeen Miisaaniyadda, haddii ay tahay cashuur isgaadhsiin, haddii ay tahay cashuur warbaahineed iyo haddii ay tahay cashuur gaadiidba, in dadka oo jilicsan in culays kale la saaro wey nala noqon weyday,khalad iyo sharci daro ayaanu u aragnay in dadka la saaro lacago iyo cashuuro yaanay qaadi karin, ama gadiid ha noqoto ama wax kale ha noqotee, oo waanu diidnay”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey hadalo ka soo yeedhay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa yidhi “Mucaarad dalka wuu ka jira, Waddani waa mucaarad, UCID waa mucaarad, ee malaa waxay doonayaan gacan ka hadal, Xisbiga Kulmiye ayaa intooda badani imika mucaarad yihiin, oo sida laga yeelay Ina Geel-jire iyo raggii la midka ahaa waanu ka arkaynaa, mucaaradnimadu waa in Dawladda la toosiya, oo la yidhaahda waxaas iyo waxaasi waa khalad, Xukuumaddana waxaanu leenahay dagaal hubaysani ma jiro ee haddii aanu nahay Mucaarad waanu idin toosiynaa, wax baa iska yar taag-taagan, ee waxaan Shacabka leeyahay waa in walaaltinimada, nabadgalyada, qaranimada iyo Somaliland-nimada aynu wada ilaashana”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here