Somaliland Oo Ka Hortimid Go’aanka Soomaaliya Ee Caydhinta Danjire Haysom

0
1022

Hargeysa(Geeska)-Dawladda JSL ayaa ka hortimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom.

Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan “Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxay u cadaynaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka intaba inay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ka qaadatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo tixgelinaysa iskaashiga iyo taageerada dhanka horumarka iyo biniaadanimada ee ka dhexeeya Somaliland iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxay ku wargelinaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in go’aankaasi aanu khusayn Somaliland islamarkaana ay dawlada Somaliland si buuxda ula shaqaynayso jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo laamaheeda kala duwan.

Dawladda Somaliland waxay ku bogaadinaysaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom in mudadii uu joogay xafiiska uu dedaal xoog leh u galay nabadaynta Soomaaliya dhexdeeda iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsantahay in go’aankan dhanka ah wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ka xeel dheeryahay waxa lagu sababeeyay islamarkaana uu ka dhalan karo cawaaqib xumo mustaqbalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here