Dawladda Soomaaliya Oo Eriday Ergaygii Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Danjire Nicholas Haysom

0
1740

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa eriday ergaygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom.

Warsaxaafadeed ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxay ku sheegtay inay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbisay inaanu Soomaaliya ka shaqayn Karin danjire Nicholas Haysom. Warsaxaafadeedka ay Soomaaliya xalay soo saartay wuxuu u dhignaa sidan “Maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 1 January 2019 wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xidhiidhka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ahi waxay dawladda Soomaaliya ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inaan wadanka laga rabin, ka shaqayn Karin wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Go’aankani wuxuu salka ku hayaa ka dib markii uu si cad u jabiyay hab maamuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si badheedh ahna u farogeliyay madaxbanaanida dalka.”

Talaabadan dawladda Soomaaliya ayaa ka dambaysay ka dib markii uu danjire Nicholas Haysom dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here