Xildhibaan Nacnac Oo Golaha U Soo Jeediyay In Xasaanadda Laga Qaado Mudane Naqdiyay Qaadacada Shirka UK

0
471

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa xildhibaanada golaha wakiilada ka codsaday in ajandaha kal fadhigan ay ku daraan in xasaanada laga qaado xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo uu ku eedeeyay inuu Muqdisho tagay iyo in uu ka hor yimid go’aankii madaxweyne Siilanayo uu ku qaadacay soo jeedintii raysal wasaaraha Ingiriiska.

Xildhibaan Askar, ayaa shalay warbaahinta ku baahiyay in go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay shirka London uu ahaa mid lagu deg degay oo dhaawac ku keeni kara siyaasadda dibadda Somaliland.

Hase yeeshe xildhibaan Nac Nac oo hadalkan soo jeedinta ah shalay ka jeediyay fadhigii golaha wakiilada, wuxuu ku bilaabay  “ Waxaan leeyahay haddii aynu nahay xeer dajintii xeerka aynu soo saarnaa horta waa inuu inaga ina  qabtaa oo sharcigu ina qabtaa, waxa jira xildhibaan inaga tirsan oo maalin dhawayd Mudisho tagay oo ka soo noqday oo aan juuq loo odhan, maantana [shalay] jaraa’idka waxa uu ku qoray waxaas Somaliland oo dhan ay isku waafaqsantahay( Qaadacaada madaxweynaha ee soo jeedinta Ingiriiska ) ee aynu madaxweynahii ku hanbalyaynayno, markaas waa in aynu  ajandaha ku darnaa in xildhibaankaas sharcigii jabiyay xasaaanada laga qaado.”

Cabdiqaadir Askar Xasan oo wargayska Geeska Afrika uu la xidhiidhay ayaa sheegay isaguna dhankiisa in Muqdisho uu u tagay hawlo u gaar ah, waxaanu ku tilmaamy xildhibaan Nac Nac xubin ku dheeraad ah golaha wakiilada oo uu soo jeedinayo in xasaanada isaga laftigiisa laga qaado.  “ Hal xildhibaan-baa soo jeediyay isagaana u baahan in xasaanada laga qaado, waxyaabaha uu golaha ka sameeyaana waa waxyaabo anshaxa ka baxsan, anigu maan galin dambi, Xamarna hawlo ii gaar ah ayaan u tagay, xildhibaankaasina waa far golaha ku dheeraad ah,Bari  ( Maanta) ayaan tagayaa fadhiga golaha wakiilada waxaanan odhanayaa xildhibaan  Nac Nac xasaanada halaga qaado.”