Sharciyadda Baadhista Shidaalka Iyo Tahriibta Oo Hadhaysay Ajandaha Wakiilada

0
545

 

Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo ku guda jira doodo ay ka yeelanayaan ajandaaha kalfadhigooda, ayaa shalay si gaar u soo jeediyay in ajandahooda lagu soo daro qodobo ay ka mid yihiin in la horkeeno heshiisyada shirkadaha shidaalka ee dalka hawlaha ka wada ay xukuumaddu la gashay.

Sidoo kale, waxay ka hadleen korodhka Tahriibta iyo kooxo Tahriibinta dadka ka ganacsada oo ka dilaacay Caasimadda iyo Wajaale.

Picture4Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge, oo ka hadlaya Tarhriibka ayaa yidhi “Dadkii dhalinyarada ahaa,gaar ahaan kuwii jaamiciyiinta ahaa rag iyo dumarba tahriib ayay wada bilaabeen oo dalka way ka baxayaan, waxaana dilaacay wax lagu tilmaamo cisaamad hoose oo ka shaqeysa oo kala wada, ilaa Halkan (Somaliland) ilaa Liibiya lacagta u kala qaada oo la yidhi waxay fadhidaa Wajaale iyo Hargeysa, arimahaasi waxa loo baahan yahay in ajandaha lagu daro oo laga dhigo qodobka koowaad oo laga doodo”

Xildhibaan Ibraahim Rayte ayaa isna ka hadlay macdan baadhista, waxaanu yidhi   “Waddankeena waxa ka socda hawlo badan oo macdan baadhis ah, xeerkii macdantuna gollaha ayuu yaalay muddo dheer, hawlahaasi oo dhana waxay dhacayaan iyadda oo aanu xeerba jirin, haddii aan xeer jirin sidii hawl loo qaban karaa, yaa awoodahaa bixiyey ama wasiir ha noqoto ama cid kale.”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isaguna arintaasi ka hadlay, ayaa yidhi   “Waynu ka war qabnaa in xukuumaddii hore lagu haysan jiray heshiisyo ay la gashay shirkaddo shisheeye oo aan golaha la horkeenin, taasi oo aan odhan karayno waa waxyaabihii boogta ku noqday xukuumaddii hore, maantana waxa muuqata in shirkaddaha shisheeye ee shidaalka baadhaya aan heshiisyadoodii golaha la horkeenin, sharciguna waxa uu dhigayaa in shirkaddaha shisheeye ama ku waddaniga ah in heshiisyadooda golaha la horkeeno” waxaanu intaa ku daray “Ajandaha waxa la inoo soo raaciyey heshiiskii ka soo baxay wada-haddalladii Turkiga, wax loo soo raaciyeyna maan garanin, ajandaha kuma jirto heshiiskaasi, laakiin waa kala laba warqadood, markaa ajandaha ha lagu daro ayaan odhan lahaa oo halaga doodo, waxaan leeyahay wadahadallada 90-ka maalmood ka dib loo balamay ee Turkiga waxa lagaga hadlayo eel ala tagayo halkan (Golaha Wakiilada) halaga jaan gooyo”