Cawil Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go’aanka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Qaadacay Ka Qayb Galka Somaliland Ee Shirka Ingiriisku Qabanayo

0
4553

 

CAWEILHargeysa(Geeska)-Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo khabiir ku ah arrimaha diblomaasiyadda, islamarkaana ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore, ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanka uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku qaadacay ka qayb galka shirka London.

Danjire Cawil, oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko in Madaxweyne Siilaanyo qaadaco codsiga uu u soo jeediyay Raysalwasaare David Cameron, wuxuu ku yidhi “Waxaan u arkaa talaabo fiican, waxaanan qabaa go’aankaas ay Somaliland shirkaas ku qaadacday inuu miisaan inoo soo kordhinayo, qaddiyadeenana culays u yeelayo. Markaad tidhaahdid shir uu Madaxweynaha Somaliya guddoominayo ma fadhiisan karo ee aad go’aankaas cad qaadato ixtiraam ayaad ku helaysaa, Ingiriiskana way u cadahay inay Somaliland dood cad oo sax ah ku taagantahay.”

Cawil, oo la weydiiyay bal in go’aankaasi dhibaato dhinaca diblomaasiyadda ah ku keeni karo Somaliland, wuxuu ku jawaabay “Aniga iima muuqato wax dhibaato ah oo uu go’aankaasi inagu keeni karayaa, waxaanse qabaa in Ingiriisku inoo arkayo dad daacad ka ah qaaddiyadadooda. Marka uu Ingiriisku leeyahay ka soo qayb gala shirka London wuu ogyahay inaynu xaq u leenahay inaynu qaadici karno.”

Cawil, oo uu Geeska Afrika su’aalay sida uu arko dad aaminsan in go’aankani dhaawac ku keeni karo xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska oo ka mid ah dawladaha dunida ugu codka dheer, wuxuu ku jawaabay,  “Dawladaha waaweyn waa lala doodaa oo la qanciyaa, diblomaasiyadu dawlad weyn iyo dawlad yar malaha, madaxda dunidu macangagiin maaha ee caqligaaa xukuma, waa siyaasiyiin, waxyaabo aanay samayn karin ayaa jira oo aan ka suurtoobin, way ogyihiin qaddiyadda Somaliland oo maaha siyaasiyiin maskaxdoodu xidhantahay, way ogyihiin in shirkaas haddii uu Madaxweynaha Somaliland ka qayb galo ay dhaawacayso qaddiyadeena, way kugu dayayaan markaad diidana halkaas ayay ku dhammaanaysaa.”