Laba Wasiir-xigeen Oo Iska Casilay Xukuumada Somaliya

0
530

Muqdisho(Geeska)-Laba ka mid ah wasiir ku xigeenkadii uu habeen hore ku dhawaaqay raysalwasaaraha Somaliya ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkaas loo magacaabay.

Labada wasiir xigeen oo kala ah Maxamed Nuur Tarsan oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada  iyo Cabdikaafi Macalin Xasan oo loo magacaabay wasiir xigeenka tamarta iyo biyaha ayaa waxay ku dhawaaqeen inay xilalkaas iska casileen. Mr. Tarsan ayaa sheegay inaan xilkaas lagala tashan markii loo magacaabayay waxaanu sheegay inaanu qaban doonin. Wuxuu ahaa badhasaabka iyo maayarka Muqdisho.

Sidoo kale Cabdikaafi ayaa isna sheegay inaanay beeshiisu qaadan doonin xilkaas loo magacaabay oo uu sheegay inuu yahay mid lagu yasayo, waxaanu sheegay inuu is casilay ka dib markii uu beeshiisa shir la qaatay.

Waa labadii masuul ee u horeeyay ee iska casila xukuumadda cusub ee Somaliya loo dhisay oo ka kooban 55 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiirul dawlayaal iyo wasiir xigeeno.