Madaxweyne; Shacabku Way Soo Dhaweeyeen Hadaladaada, Waxayse Sugayaan, Markaad Ficil U Bedesho

35
2748

Geeska Afrika Staff Writer

Rayul caamka shacabka Somaliland ayaa u muuqda inay si weyn u soo dhaweeyeen labadii khudbadood ee uu madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, toddobaadkan u jeediyay qurbe-joogta KULMIYE iyo guddiyadii ololaha ee KULMIYE, kuwaas oo uu ku soo bandhigay sida aanu diyaarka ugu ahayn in awoodiisa lala wadaago iyo weliba inuu doonayo inuu dhiso xukuumad tayo wanaagsan oo dadka qancisa.

Khudbadaha madaxweynaha la doortay oo laga dareemayo inuu ku sii wacyigelinayo cid gaar ah, waxa ay u muuqdaan kuwo taageero siyaasadeed u soo jiiday, marka la eego xaaladda la doortayo ee uu ku soo beegmay, waxaana la tilmaami karaa in khudbadihiisan ay ka muuqato muuqaal ahaan inuu doonayo ka dhabaynta waxyaabihii uu ku ololeeyay.

Hase yeeshee, waxay shacabku isku raacsanyihin ka sokow hadalada madaxweynaha la doortay inay sugayaan marka uu khudbadihiisa ficil u bedelo:

Qaabka ay u eekaato xukuumadda uu soo dhisaa tiro ahaan iyo tayo ahaanba ah ayaa ah qodobka koowaad ee ay shacabka iyo dadka siyaasadda falanqeeyaa diiradda ku hayaan. Dhaqaale ahaan waxa la isku raacsanyahay inaanu dalku iska xejin karin xukuumad tiro badan, iyadoo ay shacabku ka niyad jabeen xukuumadda wakhtigan oo maraysa 70 wasiir.

Sidoo kale waxa ay shacabku isha ku hayaan shakhsiyaadka uu madaxweynuhu u magacaabi doono golaha wasiiradu, inay noqon doonaan wasiirada wakhtigan oo intooda badani ku caan baxay musuqmaasuq. Madaxweynaha waxa u taala inuu laba arrin kala doorto. Inuu dib u soo magacaabo wasiirada wakhtigan xilalka haya isagoo eegaya doorkii ay ku lahaayeen ololihiisii doorashada iyo dano shakhsi iyo inuu keeno wejiyo cusub oo shacabka qanciya tayo ahaan  isagoo eegaya danta guud ee qaranka islamarkaana gidaar ku tiirinaya danaha gaarka ah ee siyaasadeed.

Madaxweynaha la doortay oo xogogaal u ah duruufaha dhaqaale iyo bulsho ee shacabka codka siiyay oo ugu codeeyay madaxweynihii ugu codka badnaa taariikhda casriga ah ee Somaliland, waxa kale oo uu rayul caamku eegayaa qaabka cadaaladeed ee uu u qaybin doono golihiisa wasiirada.

Madaxweynaha, ayaa looga fadhiyaa inuu dareemo inaanay shacabka wada deeqi karin golaha xukuumadda iyo qaybaheeda kala duwani, waxase umadda deeqi kara cadaalad. Umadu waxay u baahantahay in wixii soo baxa ee uu qaranku dhalo si siman loogu qaybiyo, waana baahida koowaad ee umadu maanta qabto.

Si kastaba ha ahaate, taageerada uu Madaxweynaha la doortay shacab badan kaga labada khudbadood ee uu u jeediyay taageerayaasha KULMIYE, waxa ay bulshadu eegaysaa marka uu u bedelo ficil ee uu talada si rasmi ah ula wareego.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here