Xildhibaan KULMIYE Ah Oo Xukuumadda Ku Canaantay In Xulafada Sucuudiga La Iska Taageero Iyagoon Aqoonsanayn Somaliland

0
519

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka tirsan Golaha Wakiilada, kana mid ah Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xukuumaddu ka noqoto go’aankeedii hore ee ay dhex-dhexaadka kaga noqotay khilaafka ka dhex aloosan xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Wadanka Qatar, waxaanu  ayaan daro ku tilmaamay in si bilaa shuruud ah ay ku taageertay Xukuumaddu xulafada Sucuudiga iyadoo aan ka fiirsan waxna ku bedelan.

 Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi  “Madaxweynuhu markii hore cod buu galiyey Somaliland mawqifkay ka istaagayso khilaafka ka soo cusboonaday Khaliijka, balse waxay isku raaceen Wasiiradda badankoodu in dhex laga noqdo, oo aan loo kala hiilin Sucuudiga iyo Qatar, balse nasiib daro iyadoo khamiistii codkaas la qaaday, ayaa isla Sabtidii markiiba go’aankii la bedelay, oo lagu war helay mar qudha iyadoo Xukuumaddu taageersantahay Xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo, waxa xaqiiqo ah oo aynu ognahay in aanu Sucuudigu ina aqoonsanayn, oo aanu Dawladnimadeena ictiraafsanayn, waxaynu ognahay in Imaraadka oo aynu siinayn Saldhig Milatari, Dekadiina lagu wareejiyey inuu dadkeenii soo mustaafurinayo, gaar ahaan Arday tartan quraan ka qayb galayey, markaas maaha in si bilaa shuruud ah aynu isaga taageerno”.

Xildhibaanka oo la weydiiyay sida uu u arko aragti ahaan in Somaliland ka baydho aragtida dawladda Somaliya ee arrimaha Khaliijka wuxuu yidhi  “Inaga Somaliland baa la ina yidhaahda, Somaliya ma nihin, isku mab’da iyo isku mawqif ma nihin, sidaynu ka war qabnana Madaxweynaha Somaliya intaas oo lacag ah ayuu ka diiday Sucuudiga, ee inagu maaha inaynu cid gaar ah iska eegno, ee waa inaynu hadaf iyo ujeedo yeelana, oo wixii danteena ah eegana, oo haddii aynu cid taageerano, yeynaan iska taageerin ee micno iyo ujeedo aynu ku taageerno”

Mar uu ka hadlaayey Sucuudiga wuxuu xildhibaanku yidhi “Wadanka Sucuudigu madaana uu yahay Xaruntii Islaamka, oo Xaramkii uu ku yaalo, waxay ahayd inuu Muslimka  mideeyo, oo uu isku wado, balse may ahayn inuu isagu burburkiisa ka shaqeeyo, ujeedada loo socdo iyo halka la doonayo in la burburiyo, waa isaga ee ALLE ha fahan siiyo”.