Haweenay Hargeysa Degen Oo Soo Bandhigtay Bariiska Caagga Ah Oo Ay Suuqyada Ka Iibsatay

0
553

Hargeysa(Geeska)-Hodan Cabdi Warsame oo ah gabadh reer Somaliland ah oo degen magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay soo iibsatay oo ay karsatay dabadeedna qoysku cuneen, bariiska caagga ah ee dunida lagu arkay oo hadda Hargeysa soo gaadhay.

Hodan oo u warantay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, waxay sheegtay in bariiskaasi yahay midka la yidhaahdo supreme basmati rice oo ku jira joonyad buluug ah, waxaanay tidhi “Bariiskana waxa aan ka soo iibsaday bakhaaro ku yaala Jigjiga yar bariiskuna maaha wax la ogaan karaayo inuu caag yahay oo kii caadiga ahaa faraq weyn uma dhaxeeyo, baryo dhan waanu cunaynay bariiskaas, markii aan tijaabiyay ee aan ka shakiyayna waxa uu noqday caag, waxa uu ku jiraa jawaan buluug ah, jawaano kala duwana waa lagu keenaa ayaa la yidhi, waxa la yidhaahdaa kan aan soo iibsaday supreme basmati rice, markaad kariso mid hore u jilcaaya maaha haddii byahu kaaga bataan mid jilcaaya oo isku dhagaaya sidii caadiga ahayd maaha, waa uu adag yahay haddii aad biyo kasta ku darto. Tijaabada Youtube ayaan eegay markaas bariiska intaad isku kuusto ayaad dhulka ku tuuraysaa haddii uu ku dhago waa bariis caadi ah haddii uu boodboodana waa bariis caag ah.”

Iyadoo ka hadlaysa dhibaatada caafimaad ee ay kala kulantay waxay tidhi “Waxa igu dhacay calool xuanuun farabadan oo aan caadi ahayn dhakhtarkii ayaan tagay waxbana waa layga waayay laakiin waa bariiskan caaga ah oo calooshaada ayuu saamaynayaa.”