Xildhibaan Ku Taliyay In Maamulka La Gaadhsiiyo Bariga Fog Ee Somaliland

0
509

Picture3Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac  Xaamud oo ka mid ah

 Xildhibaanada  Golaha Wakiilada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Gobolada Barri, waxaanu sheegay in Goboladaas dayaca fara badani ka muuqdo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac  Xaamud oo Shalay Shiir jara’iid ku qabtay Golaha Wakiilada ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Haddii maalin walba ama mar walba la yidhaahdo  intan dhexe ama Goboladan dhexe ee Somaliland baa wax laga qabanayaa  hadhow  meel aan wax laga gaadhi karin ayey  arintu gaadheysaa oo Maamulo  gaar ah baa sameysmi  kara oo khatar ah oo aan xal loo heli karin lakiin waxaa wacan inta ay hawshu dhow dhow dahay in Maamul daadajin loo sameeyo  oo inta gobaladaas la  tago maamulkii la gaadhsiiyo ayaa wacan “ Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac  Xaamud ayaa mar uu ku amaanayey Xukuumaddii hore sida ay wax uga qabatay Gobolada Barri ayaa  yidhi “Runtii waxaa xusid mudnayd in Xukuumaddii UDUB ay sameysay olale ay ku dooneysay in ay sameyso Maamul daadajin runtii dadaal badan ayey sameyeen lakiin wax midho dhal ah mey yeelan caqabado jirey  awgeed  sidoo kale waxa jirey xeerar ay  ansixiyeen Labada Gole Qaran ee Somaliland oo ahaa in  Doorashada dalka oo dhan laga qabto lakiin mey dhicin taasi waxanan odhan karaa Maanta wey dhawdahay lakiin waxaanu rabnaa in ay intaasi ka sii dhawaato oo ahmida la siiyo Gobalada Barriga ee  tabashooyinka qaba si dalka oo isku duuban mar doorasho laga  wada qabto “

Xildhibaan Cabdiqaadir oo ka hadlay Xukuumaddan iyo doorka ay ku leedahay Gobolada Barri ayaa yidhi “Madaxweynuhu dadaal badan ayuu sameeyey oo ilaa Laas-qoray ayuu istaagay, laakiin mashaariicidii wax badani may qabsoomin, Madaxweynahana waanu ku hambalyeynayaa dadaalka, Xukuumaddana inay la timid firfircooni waa la og yahay, ee waxa aanu doonaynaa inay ula sii dhawaato oo Gobolada Barri muhiimada la siiyo, laakiin haddii intan lagu soo ururiyo dalku u soo ururayaa oo oo intan ayuu ku soo koobnaanaya” Xildhibaanbka ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiiyada Mucaaradka waxa uu yidhi “Xisbiyada Mucaaradku inta badan waxa ay ku qayliyaan Doorasho Doorasho, waxaad mooda in aanay danaynanba Goboladaas,waayo owaxa muhiiim ah dalkii oo wada socda, oo marka dalkii oo wada socda Doorasho loo diyaar-garoobo, buu qofku saaxadiisa ka ciyaara”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac  Xaamud ayaa mar uu ka hadlaayey Taliye dhawaan la dilay ayaa yidhi “Runtii Shalay (Doraad), ayaa ay Xukuumaddu bilowdey in qof kasta oo qof dila ay tiirka soo istaajiyo oo lo dilo  waxanana aan aad uga xumahay taliyihii lagu diley Gobolka Sanaag tacasina waan gaadhsiinayaa  Beesha Barriga Sanaag gaar ahaana   Degmada Dhahar  mar hadii falka dilka ah geestay la hayo Xukuumaduna gacanta ku hayo hawshaas waxan filaya in sida ugu wacan ay ku dhamaan doonto.