Madaxweynaha Oo Masuul U Magacaabay Wakaalada Qurbe-joogta, Ganacsiga Bacdana Mamnuucay

0
512

Picture2Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay waxa uu gudoomiye cusub u magacaabay wakaaladda qurabajoogga Somaliland, halkau uu digreeto kale oo uu isla xalay soo saaray dalka kaga mabnuucay adeegsiga bacda.

Waxaa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha gaarka ah ee saxaafada u qaabilsan madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir. Ugu horayn masuulka loo magacaabay wakaaladda qurbajoogga ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakaaladda Qurbjoogga Qaranku u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah”

Geesta kale digeeratada madaxweynaha ee lagu joojisay isticmaalka bacda ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka; Markuu Tixgeliyey: Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta  fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee  Magaalooyinka Somaliland;  Markuu Garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda    Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka; Markuu Arkay: Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka   guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;

Wuxuu Go’aamiyey:

1. In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.

2. In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.

3. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.

4. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.