Suldaan Cumar Oo Ka Hadlay Xeerka Caasimadda, Duruufaha Nolosha Iyo Cadaalada Dalka

0
534

Picture4Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa qoraal uu shalay soo saaray wuxuu kaga hadlay xeerka caasimadda dalka, farriimo uu u diray Baarlamaanka, heerka nololeed ee dhaqaale ee bulshada Somaliland iyo arrimo kale.

Qoraalkaas uu shalay Suldaan Cumar soo saaray wuxuu aad ugaga hadlay doorashada Baarlamaanka, gaar ahaan xeerka caasimadda Hargeysa oo uu ka digay codka badan` ee loo baahanyahay in lagaga soo baxo caasimada halka gobalada kalena laga doonayo cod inta Hargeysa ka yar, waxaanu soo jeediyay in arrintaas dib loogu noqdo. Qoraalkaas Suldaan Cuamr oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

Marka hore waxaan jeclahay inaan dul maro dhaqanka dawladnimo, si loo helo dawladnimada dhabta ah waxaa lagama maar maan ah in la’ helo cadaalad, dawladnimo aan cadaalad lahaynina malaha sal iyo dhidib adag oo ay ku taagnaato, mana suurta gasho in hadiiba ay qurux dhismeed leedahay inay adduunyadu dhadhamiso, waxaana wax aad loola yaaba ah in Somaliland calan tawxiidku ku yaalo la sudho iyada oo waxii ay tilmaan lahaydna la baal marsan yahay, waxaana inta badan laga hadlaa doorashooyin lagamana fikiro in wax badan oo u baahan sixid iyo in lagu saleeyo cadaalad ay meesha ka maqan yihiin.

Aan tilmaamo arrimahaas, waxaana aan ka bilaabayaa qaabka loo qaybiyey baarlamaanka oo ay ka muuqato inay baal marsan tahay cadaalada marka ay dhacday in aan cod siman lagu soo baxayn oo waliba (6000) oo cod Hargeysa cida iska sharaxdaa ay ku dhacayso halka meelaha qaarna lagaga soo baxo (1000) cod iyo wax la mid ah, taasina waa mid ka fog cadaalada, khiyaamo intaa leegi meelnaba aduunyada kama dhacdo, waxa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan ama ku doodaan waa habkii ama xeerkii 60kii oo aynu wax ku qaybsanay oo haddii waxii xumaa ee cadaalada ka fogaa 60kii laga soo qaadanayo oo wixii aynu ka dagaalanay ahayd, maxaa in mar kale lays raaco loo diidayaa, haddiise xiligaa qalooc dhacay maxaa in la saxo lagu diidayaa.

Haddii markii hore reer Hargeysa ku ogalaadeen Somaliland waa curdin maanta waa ay ka baxday oo in cod siman lagu soo baxo ayey dadku diyaar u yihiin lamina ogola in xeerkaasi doorasho danbe lagu galo, waxaan ka digayaa in iyada oon xeerkaasi la waafajinin in xubnaha baarlamaankau ku soo baxaan cod siman aan la keenin sanaaduuq la xanbaarsan yahay oo u jeedo doorasho loo wato, waxaaba laga yaabaa in haddii habkan qaldan la saxo ay ka faa’iidaan dad badan oo gobolada ku dhaqan oo markii hore sidaa leexsan lagu boobi jiray.

Sixida cadaaladu-na waxaa laga yaaba in ay so dhawayso ictiraafkan aynu imika ka waynay  Somaliya, Afrika, Carabta, iyo dunida inteeda kaleba, mararka qaarkood waxaad waxaan is idhaahdaa malaha cadaalada halkan ka maqan ayaa albaabadan hor taagan, waxuun baan is leeyahay malaha in siyaasiyiinteenu Israa’iil ay tagaan ayaa u dhiman, waxase ka maqan marka hore in Somaliland iyadu is ictiraafto oo xuquuqda dalka loo sinaado oo ta doorashada loo sinaado oon qaarna  qoolay suntan laga dhigin, qaarna loo fasaxin doorashada oo loo sinaado muwaadinimada. Marka la helo dad dalka wada leh oo isku mida ah dhinac walba, aduunyadu  iyada ayaa ictiraafka inala soo raadsan.

Waxa kale oo aan aad ula yaaba iyada oo aan loo samayn xeerkii lagu dooran lahaa baarlamaanka iyo guurti toona, in mar walba la’la taagan yahay doorasho ha la qabto aan weelkeedii la tolin waana ta aynu doonayno in lagu saleeyo sida aan kor ku xusay xeerkaasi.

Qodobka Labaad ee aan wax ka tilmaamayaa waxa weeye xeerka caasimada oo ay lagama maarmaan tahay in la dhaqan galiyo iyadoo loo cayimo masaafo isleeg Afarta jihaba  si loo illaaliyo in dhinac qudha caasimadu u fido, sidaa darteed waa in xuduudaheedu is leekaadaan gees kasta, haddii taasi lafteeda sida ay tahay loo raaci waayo waxa laga yaabaa in ay caqabad ku noqoto in doorasho dalka ka dacdo , sidoo kalena ma noqonayso  deegaankani (Hargeysa iyo deegaankeedu) goosarad xabaal taala, oo cidii soo gaadhaaa gacanta galinayso ee haday doorasho deegaan tahayba boob danbe kama ogalin cid walibana meesheeda ha iska cumaamado.

Qodobka kale oo aan wax ka tilmaamayaa waxa weeye arrintan doorashada ee baryahan dalka lagu mashquuliyey, marka hore diiwaan galintan marna madaniga lagu sheegayey marna mid doorasho lagu sheegayey ayaa malaha loogu talogalay in dadka iyo dalkaba lagu jahawareeriyo  muwaadin aqoonsigiisa waxa bixiya dawladaha hoose oo ay ahayd in ay barnaamijka diiwaan galinta ay wadaan oo sida oo kale ay muwaadinka siiyaan marka uu gaadho da’da loo cayimo in lagu siiyo.Arrimaha gudahu waxaa ay aqoonsiga dhalasho ama dal ku joog siin karaan dadka marka hore aan dhalasho ahaan aan Somaliland u dhalan, hase yeeshee ku dhaqmay ama ku barbaaray waxaana haboon in lagu celiyo halkii iska lahayd.

Mashruucan hada socda ma qabo in uu ka duwan yahay kii ka horeeyye ee mar qudha la yidhi waxba kama jiraan, kan ayaaba ka sii liita kaa hore oo waxaad mooda in loogu talo galay inay in gaar ahi qaadato, marka la eego qaabka loo wado ee aan muwaadiniinta loo wada gaadhsiin, imika looguna talogalin in la wada gaadhsiiyo. Tusaale ahaan waxa hada jira deegaano ay abaaro ka jiraan oo dadkii iyo xoolihiiba ka haajireen(guureen), cidan hawsha wadataana ay leeyihiin mudada la diiwaan galin lahaa way dhamaatay, waxaa kale oo jira dad muwaadiniin ah oo Somaliland u dhashay oo qaxoonti ku jooga dalalka aynu jaarka nahay iyaguna malaha loomaba aqoonsana inay muwaadiniin yihiin oo qorshahaba laguma darsan, sidoo kale degaano badan oo Somaliland ah ayaan iyana loo geyn diiwaan galintan lana filayn in loo geeyo, horena loogu geyn, sideedabana kalsooni bulshadu kuma qabto mana aamin sana inay intifaac leedahay mar hadii aan la wada gaadhsiinaynin dadka dalka u dhashay.

Iyadoo ay sidaasi tahay ayaa laga daba keenay mid kale oo doorashooyinka ka loo diiwaan galinaayo oo haddii iyadana la waafajin waayo cadaalada oon wada gaadhsiin muwaadiniinta inta loo ogal yahay oo dhan lana hubin inay dhamaystiran tahay si aanay caqabad ugu noqon in doorasho la qabto, waxaana xusuus mudan in mar walba doorasho la qabto, waxaana xusuus mudan in mar walba dawladaha hoose u furan yihiin mujtamaca dhalasho iyo qoysba.

Sheekadan diiwaan galintu waxaa ay u eeg tahay ninkii jaadka maqaaxida la fadhiistay ee inankii ka shaqaynaayey ku yidhi adeer halkan soo rushee oo naga soo qabooji hadana yidhi girgire soo camir ee hadana yidhi biyo qabow isii, ee hadana shaah dalbaday ee ninkii ag fadhiyey yidhi ma naftaas Afarta goor is burisay ayaa fayow. Diiwaan galinta ha lagu galo, laguma gali karo, diiwaan galin kale ha lagu sameeyo oo kan ah doonimayno soo kuma xigto marka ay si cadaalad ah u dhici waydo, maxaa daal la korodhsaday.

Waxaa kale oo xusid mudan in aynu tilmaano goorta wax innaga leexdeen ee aynu goynay jidkii mar-qudha kurisiga madaxweynahu inoo wada hilaacay ee laga booday jaran jarooyinkii hoose ee baarlamaan lahayd, imika waa sidii oo kale oo kursigaas ayuunba inoo muuqda iyadoo xeerar badan la dhalan gadiyey si mar labaad halkii aynu waxa qaldana  u sixi lahayn kursi in dhaafiyo oo mar walba isaga uun laga hadlo, waxaa ila haboon in barnaajimkii dawladaha hoose halkii laga soo bilaabo dibna loogu soo celiyo sidii ay ahaayeen tartankoodiina dib loo furo oo sixida halkaas laga soo bilaabo.

Haddaba cid kasta oo jecel in ay Somaliland doorasho ka qabsoonto doorasho aan ku salaysnayn aan is boobno, aan is khiymaamayno, aan is qorshaysano waa in ay ka shaqaysaa sidii arrimaha aan kor ku soo xusay loo sixi lahaa, haddii la waayo cid saxda macnaheedu waxaa uu noqonayaa in aan doorasho la doonaynee, macno kale loo jeed.Cid waliba ha ku biyo cabto hadaan arrimahaasi sida ay yihiin loo sixin in aan wax doorasho ahi dhacayn.

Waxaan ku soo gunaanadayaa wax intaasiba ka sii daran oo aanay cidiba hadal haynin oo ah dhibta dadka iyo dalkaba haysata oo ay kow ka tahay abaartu, Illaahay ha inoogu deeqo nimcadiisa si ay abaartu inooga jabto ee maciishada kor u sii socotaa ay ka mid tahay ee xaalada gacanka iyo baabul mandab  oo ilihii wax inoo soo marayeen ka mid tahay, kursigan waxa ka haboon in Illaahay la baryo isaga ayaa deeqda bixiyee kuwan aad deeqbixiyeyaasha u taqaanaana ha siinina awooda Illaahay iska leeyahay, nolosha nabad galyada dadkan aad isku haysataan inay idin doortaan halaga fikiro.