Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Gobolada Barri, waxaanu sheegay in Goboladaas dayaca fara badani ka muuqdo.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo Shalay Shiir jara’iid ku qabtay Golaha Wakiilada ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Haddii maalin walba ama mar walba la yidhaahdo intan dhexe ama Goboladan dhexe ee Somaliland baa wax laga qabanayaa hadhow meel aan wax laga gaadhi karin ayey arintu gaadheysaa oo Maamulo gaar ah baa sameysmi kara oo khatar ah oo aan xal loo heli karin lakiin waxaa wacan inta ay hawshu dhow dhow dahay in Maamul daadajin loo sameeyo oo inta gobaladaas la tago maamulkii la gaadhsiiyo ayaa wacan “ Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa mar uu ku amaanayey Xukuumaddii hore sida ay wax uga qabatay Gobolada Barri ayaa yidhi “Runtii waxaa xusid mudnayd in Xukuumaddii UDUB ay sameysay olale ay ku dooneysay in ay sameyso Maamul daadajin runtii dadaal badan ayey sameyeen lakiin wax midho dhal ah mey yeelan caqabado jirey awgeed sidoo kale waxa jirey xeerar ay ansixiyeen Labada Gole Qaran ee Somaliland oo ahaa in Doorashada dalka oo dhan laga qabto lakiin mey dhicin taasi waxanan odhan karaa Maanta wey dhawdahay lakiin waxaanu rabnaa in ay intaasi ka sii dhawaato oo ahmida la siiyo Gobalada Barriga ee tabashooyinka qaba si dalka oo isku duuban mar doorasho laga wada qabto “
Xildhibaan Cabdiqaadir oo ka hadlay Xukuumaddan iyo doorka ay ku leedahay Gobolada Barri ayaa yidhi “Madaxweynuhu dadaal badan ayuu sameeyey oo ilaa Laas-qoray ayuu istaagay, laakiin mashaariicidii wax badani may qabsoomin, Madaxweynahana waanu ku hambalyeynayaa dadaalka, Xukuumaddana inay la timid firfircooni waa la og yahay, ee waxa aanu doonaynaa inay ula sii dhawaato oo Gobolada Barri muhiimada la siiyo, laakiin haddii intan lagu soo ururiyo dalku u soo ururayaa oo oo intan ayuu ku soo koobnaanaya” Xildhibaanbka ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiiyada Mucaaradka waxa uu yidhi “Xisbiyada Mucaaradku inta badan waxa ay ku qayliyaan Doorasho Doorasho, waxaad mooda in aanay danaynanba Goboladaas,waayo owaxa muhiiim ah dalkii oo wada socda, oo marka dalkii oo wada socda Doorasho loo diyaar-garoobo, buu qofku saaxadiisa ka ciyaara”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa mar uu ka hadlaayey Taliye dhawaan la dilay ayaa yidhi “Runtii Shalay (Doraad), ayaa ay Xukuumaddu bilowdey in qof kasta oo qof dila ay tiirka soo istaajiyo oo lo dilo waxanana aan aad uga xumahay taliyihii lagu diley Gobolka Sanaag tacasina waan gaadhsiinayaa Beesha Barriga Sanaag gaar ahaana Degmada Dhahar mar hadii falka dilka ah geestay la hayo Xukuumaduna gacanta ku hayo hawshaas waxan filaya in sida ugu wacan ay ku dhamaan doonto.