Cabdilaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Sida Lagu Ogaan Karo Shahaadooyinka Saxda Ah Ee Musharraxiinta

0
503

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay shuruudaha lagu xidhay Musharixiinta u tartamaya Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee sannadkan dhacaya, ee ay ka mid yihiin Shahaadooyinkooda Waxbarashada, waxaanu ka xog-warramay qaabkii ay iyagu ay ku kala saareen Musharixiintii u tartamayey Doorashadii 2005.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),oo arintan ka hadlay Shalay ayaa yidhi “Xeer baa sheegaya in ninku marka uu yahay Musharax, wuxuu qaadanayo, nooca laga doonayo oo dhan  ayey eegayaan shuruudahaas, markay shuruudahaas markay eegaan, qofkii shuruudahaas buuxiyey ayey qaadanayaan, Komishanka ayaana soo saaray liiska, kay garan waayaana Xisbiga ayey ku celinayaan, 2005 Guddi gaar ah ayaanu ahayn, aniga Guddoomiye u ahaa, had iyo goor Shahaadada iyo aqoonta qofka muujinaya, Barlamaanku wuxuu ku xidhaa Shahaado Dugsi sare, iyo wixii u dhigma, waxaa la iskaga sameeysan jiray Foojari, waxaanu sameeyan farsamo uu qofku markiiba ku fashlmayo, waxaa la weydiin jiray su’aalo la xidhiidha Iskuulku ka soo baxay iyo ciddii maamulaysay wakhtigaas, markaas afka ayuun buu kaal qaadi jiray iskuulku muxuu ahaa, halku ku yaalay siduu ahaa, ma garanayo, ragga aanu u yeedhay, ee aanu khibrad ugu yeedhanay waxaa ka mid ahaa Ibraahim Gamgam, oo hadda Komishanka la shaqeeya, oo sidii ula shaqeeya iyo Muuse Cabdi Cilmi Cilmi Samatar oo dhintay ALLE ha u naxariiste, oo markii dambe Guddoomiyaha Jaamacadda ahaa, oo ku dhintay Shill gaadhi, ALLE ha u naxariiste nin aad u wanaagsan buu ahaa, Wasaaradda Waxbarashadana in badan ka soo shaqeeyey, oo aqoon dheer u lahaa, oo Guddoomiyaha Marka Shabeelada hoose ah oo Dugsiyada ugu badan Madax ka ahaa ilaa Afgooye, ayaanu is baranay, isaga ayaanu markaas Waxbarashada ugu yeedhanay, si uu shahaadooyinka u hubiyo, halkaas ayaanu ku xidhmaayey ninkii been sheegaya, markaas Komishanku iyaga ayaa kala saaraya, markay kala saarana waa wax fudud, ciddii buuxin weyda shuruudihii, Xisbigii ayey ku odhayaan soo bedesha”.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in wakhtigii ay Komishanka ahayn ay Musharixiin ula yimaadeen Shahaadooyin reer Yurub ah, balse ay xidhiidh toos ah ay la sameeyeen Jaamacadaha reer Yurub oo Shahaadooyinkooda loo soo gudbiyey, waxaanu tilmaamay inay shubiyeen shahaado kasta oo loo soo gudbiyey, haddana la hubin karo, Jaamacad kasta oo loola yimaadana ay Komishankani la xidhiidhi karaan.

Dhanka kale Siyaasi Cabdilaahi Jawaan wuxuu xusay in Xeer Ilaalintu kiis alaale kiiskii ay u soo gudbiso CID,ay CID waajibkooda ka gudunayaan, kadibna baadhitaan ku sameeynayaan,oo waajibkooda sharcigu u ogol yahay ka gudunayaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office