Xildhibaan Ka Tirsan WADDANI Oo Ka Hadlay Miisaaniyad-sanadeedka 2021 Oo Uu Sheegay Inaan Caddaalad Lagu Salaynin

0
462

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Muddanyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee Xisbiga WADDANI ayaa tilmaamay in Miisaaniyadda Golahooda hor taalla ay tahay Miisaaniyad aan loo sinayn oo Degmooyinka iyo Gobollada dalka si siman aan wax loogu qoondayn.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Cashuurta ay Dawladdu ku kordhiso Ganacstada ay culays ku tahay dadka danyarta ah, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxay ahayd in Miisaaniyadda si caddaalada ah loogu qaybiyo Degmooyinka iyo Gobollada dalka, tusaale ahaan Baligubadle waa Gobol, Miisaaniyad Wakaalad Biyoodna ma leh, Degmada Cadaadlay oo kale Miisaaniyad looma samayn, halka Arabsiyo oo Hargeysa ka tirsan, oo dhagaxa aad tuurto gaadhayana maalin dhawna noqonaysa xaafad ka tirsan Koodbuur, Miisaaniyad gooniya ayaa loo sameeyey…”.

Mar uu ka hadlayey Miisaaniyadda iyo Cashuurta ayuu yidhi “Dadkii ayaa Cashuurtii lagu laban-laabay oo lagu kordhiyey,  laakiin dakhli kale oo ay Dawladdu soo ururisay ma jirto, dadkii ayey cashuurta saartaa, imika waxay yidhaahdeen Raashiinka, Bariiska, Sonkorta iyo Daqiiqada cashuurtii ayaanu wax ka dhinay, haddii ay wax ka dhintay, qiimahahoodu hoos buu u dhici lahaa, laakiin min laba doolar ayaa ku darsamay, dadka masaakiinta ahi ma qaadi karaan culays la saaro, haddii dadka cashuurta kolba lagu kordhiyo maalin dhaw wey is cunayaan…”.

Mar uu Xukuumadda aragtidiisa ku waajahan go’aan ay Xukuumaddu hore u soo saartay ayuu  yidhi “Xukuumaddu hore waxay u tidhi Gaadiidka Fitistii Dhalinyarada Tahriibka lagaga baajinayey ayaanu xayirnay, waxayna taasi ka dhigan tahay haddii aanad Fitis haysan, VID kaxayso, halkii loo baahnaa in Xukuumaddu shaqo abuur u sameeyso Dhalinyarada Somaliland way sii tahriibinaysa oo bilaa shaqo ayey ku ridaysaa, dadkii taajiirta ahaa way sii taajirayaan, dadkii fiqiirinta ahaana faqiir bay sii noqonayaan, miskiinba leh misko la fuulo ee cashuur kasta oo ay Dawladdu kordhiso, Ganacstada waxba kamay galin oo cashuurta waxay ku kordhinayaan dadka wax iibsanaya”.

Xoog wuxuu Farriin u diray Mudaneyaasha Golaha Wakiillada “Miisaaniyadda Dawladdu masaakiinta u nixi mayso, Gobollada simi mayso,  qaarna waa loo kordhiyey, qaarna cidlo ayaa la diray ee Xildihbanaada aanu isku golaha nahay waxaan leeyahay dadkeena ina soo doortay aynu u tudhno, oo damiirkeenu yaanu ina siin inaynu ansixino Miisaaniyadda Gobollada iyo Deeganaada aanay u sinanayn”

 

Geeska.net/Hargeisa Office