Sheekh Maxamed Aadan Oo Ka Hadlay Khatarta Dulmiga Lagu Geysto Hoggaaminta Ummadda

0
600

Hargeysa (Geeska) – Imaamka Masaajidka Cali Mataan ee Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dulmiga Masuuliyadda, Xilka iyo hoggaaminta.

Sheekhu wuxuu ka warramay sida Quraanku uga digay in Dadka xilka haya ee Ummadda Hoggaanka u ahi awooddooda ku takri-falaan oo ay Dadka hoos jooga ku tacadiyaan iyo si taa looga hor-tago Tusaaleyaasha uu Ilaahay Qur’aankiisa kariimka ah kaga warramay.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dulmigu wuu badan yahay, laakiin waxaynu ka warramaynaa Dulmiga Masuuliyadda, Xilka iyo hoggaaminta. Hoggaan marka aynu leenahay wuxuu koobsanayaa Cid kasta oo xil haysa, xil guud iyo mid gaar ah, Hoggaanka ugu sareeyaa ka mid ah, Goleyaal baa ka mid ah, Garsoorkaa ka mid ah, degmooyin iyo Xaafadaa ka mid ah.”

Sheekhu wuxuu soo sheegay oo kale “Ummaddu wixii ay leedahay ee Cid masuul uga tahay intay doontaba ha noqotee waa in la ilaaliyo oo ummaddaa aan la dulmiyin, oo aan Hantidooda iyo xuquuqdooda la taataaban, hadday tahay dhul, hadday tahay dan guud, ilo dhaqaale iyo wixii kale ee la mid ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qur’aanku wuxuu inoo tilmaamaa ummado hoggaamintaa dulmi badan ku geystay oo hoggaamintii la habowday oo meel baas la maray, Fircoon baa ka mid ah, marmarka qaarkoodna wuxuu inoo Sawiraa hoggaamintii wanaagsanayd ee Caalamka soo martay, sida hoggaamintii Nebi Daa’uud oo boqor ahaa, hoggaamintii Nebi Sulaymaan, hoggaamintii Dul-qarneyn.”

Sheekh Maxamed Aadan waxa kale oo uu Khudbaddiisa ku soo qaatay “Qur’aanka kariimka ahi si uu uga ilaaliyo inay Dadku dulmi ku dhacaan, Mabda’ii ay kaga badbaadayeen ayuu Qur’aanku sheegaa oo ah Caddaalad iyo is-dhowrid. Qur’aanku wuxuu inoo sheegaa in xilku yahay amaano, amaano haddii la yidhina waxa ka dambaysa iswaydiin iyo su’aal, mar hadday amaano tahay waxa waajib ah in hoggaamiyaha xilka loo dhiibayaa (Xilka uu doono ha noqdee) uu noqdo mid aamin ah, Caadil ah, Aqoon leh, Run sheege ah, markaa maaha wax Warqado lagu qorqorto oo igu doorta la yidhaahdo, ee waa wax la dabaqayo, waa inuu noqdaa mid u tudhaya ummadda.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office