Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Ku Baaqay In Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah In La Waafajiyo Shareecada Islaamka

0
588

Hargeysa(Geeska) – Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Xeerka shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan qodobkiisa 56-aad, farqaddiisa koowaad, oo ka hadlay qofka shaqaalaha ah haddii geeri ku timaado in magtiisa lagu leeyahay loo shaqeeyaha, waxaanu xusay in qodobkan dib loogu noqdo, oo la waafajiyo shareecada islaamka.

Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil, oo qodobkan ka hadlay ayaa yidhi “Qodobka ugu dambeeya ee bayjka 28aad, waxaa weeye qodobka 56aad, bogga 28aad, waa farqaradda 1-aad, qofka shaqaalaha ahi haddii uu ku dhinto shaqada isagoo gudanaya waajibaadka shaqo, waxaa magtiisa loo raacaya sida ku cad shareecada islaamka (loo shaqeeyaha), waa markay dhamaystirsan yihiin xaaladaha xeerkani adeegsanayo, qodobkaasi waxay u baahan tahay in shareecada loo eego, su’aasha aan anigu is weydiinayo waxay tahay qofka shaqaalaha ahi, ee shaqaynaya ee xafiis jooga, tii ILLAAHAY ku timid ee wadne istaago, magtaas waxaa lagu yeelaya qofka loo shaqeeya ah, arintaasi way igu yara adag tahay runtii, shareecada islaamka ayaa qabta ayaa la igu yidhi, ee xagga culimada aynu ka hubino ayaan qabaa, waxaa ka haboon dhaawac ama dhib ka soo gaadhay shaqada uu u dhinto, waxaa laga yeelayo magtiisa, waa sax taasi, laakiin qof shaqadii joogay oo dar ilaahay u dhintay, magtiisa loo raacaya, ilama ah taasi, ee waxay u dhigan tahay haddii ay ku timaado dhibaato shaqada kaga timid u geeriyooday weeye, ee qodobkaasi sixitaan buu u baahan yahay”

Geeska.net/Hargeisa Office