Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Raalli-gelin Ka Bixiyo Hadal Dhawaan Ka Soo Yeedhay

0
551

Burco (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu ku sheegay in Doorashadii dhacday 2017 ay ahayd mid reeraysan isla-markaana reerihii laga badiyey aamineen inaan hablahooda la guursanayn haddii laga badiyey.

Hadalkaasi ayuu Xisbiga WADDANI ku sheegay mid aan wanaagsanayn oo Ummadda Somaliland kala fogaynaya, sidaasi darteed loo baahan in Madaxweynuhu uu Raalli-gelin ka bixiyo.

Xoghayaha Abaabulka ee Xisbiga WADDANI Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco oo uu safar ku joogo, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Hadalkii Madaxweynaha waxaanu u aragnay inaanu ahayn hadal Munaasib ku ah Kursiga Madaxweynaha oo Dadka u kala Ab-tirinaya ama kala qaybinaya. Madaxweynuhu wuxuu yidhi, doorashadii reero ayay inaga noqotay, reerka laga badiyaana wuxuu gaadhaa heer ah inuu yidhaahdo Hablahayaga la guursan maayo.”

Geel-jire waxa kale oo uu sheegay “Mar haddaan ka mid ahaa Dadkii doortay ee u ololeeyay, inay iga hadho Canaantiisu oo la I yidhaahdo Sahan wanaagsan noomaydaan gelin iyo Madaxweynihii aad noo keenteen wuxuu ku hadlayo eeg, hadalkaa Madaxweynuhu yidhi wuxuu ahaa hadal Dadka qaybinaya, waxaan rabaa oo ugu hawl-yar inuu yidhaahdo sidaa umaan jeedin, Waayo? waa suurto-gal in hadalkiisa iyo niyaddiisu kala gaar noqdeen, markaa inuu Raalli-gelin ka bixiyo ama Cid Afkiisa ku hadlaysaa ay tidhaahdo Madaxweynuhu sidaa umuu jeedin ee wuxuu u jeeday Xaaladda Caynkaas iyo Caynkaas ah, intay taasi dhacayso Aniga iyo Dadka kale oo badan oo reer Somaliland ahi sidaas bay u fahantay.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office