Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Heshiisyo Geli Karin Bilaha Kooban Ee U Hadhay

0
663

IMG_EC7C2B-E038D8-FE1D56-255C4A-3BF136-4A019AHargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha khayraadka ee gudi hoosaadka aqalka golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), ayaa heshiisyada ay xukuumadu wakhti xaadirkan la galayso ganacsatada iyo shirkadaha caalamiga ahba ku tilmaamay kuwo sharci darro ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in maadaama ay muddo xileedka sharciga ah ee xukuumadan ay ka hadhsan tahay muddo ka yar Lix bilood aanay ansax noqonayn heshiisyada ay gashaa.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar ka mid ah warbaahinta shalay kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay sida uu u arko heshiis la sheegay in xukuumada Siilaanyo ay ku wareejinayso dekada magaalada Barbera.

"Arrinta dekada Barbera anigu waxa aan u arkaa in ay tahay waxii hore u dhici jiray wax ka mid ah, iibkii iyo xaalafuntii ay hantida umadda ku haysay xukuumadu siidh goyntoodii iyo boobkii ayuunbay ka mid noqotay tana, waa qayb ka mid ah waxii hore u soconaayey ayaan u arkaa anigu taas, waana arrin runtii aan la qaadan karin, dekadii ayaa inoogu danbaysay oo iyadiina in la xaraasha.”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Xildhibaan Siciid Warsame Gaani, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Midna waan idiin sheegay xukuumadan Lix bilood wax ka yar ayaa u hadhsan wax sax ah maaha heshiisyada ay gashaa run ayaan idiin sheegayaa, waxaan idiin sheegayaa xukuumad ay Lix bilood u hadhsan tahay iibkeeda iyo heshiisyadeeduba wax sax ah(Valid) ma noqonayaan, waa sharci darro. waxaana ay tani ka mid noqonaysaa boobkii ee hantida umadda ay xukuumadani ku samayn jirtay, dekada hada la wada ee aan cidna loo sheegin oo ku wii hore halka ay mareen haday badrool iyo baadhis ay ahaayeen, haday ahaayeen warshadihii hore ee Laydhka, haddii ay ahaayeen dhul iyo guryo, waxba horta ka tagimayso, marka dekaduna horta wadadii hore ayaa ay ku socotaa."Ayuu yidhi Xill.Siciid Warsame Ismaaciil.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uga digay shirkadaha iyo ganacsataduba in ay heshiisyo ay galaan, waxaana uu ugu baaqay in aanay lacagtooda iska galinin hintida umada oo uu sheegay in la boobayo.

:"Waxaanu se u sheegaynaa shirkadaha caalamiga ah iyo dad weynahaba Lix bilood xukuumad ay u hadhsan tahay heshiisyo ma gali karto, maba aha sax(Valid), wax sharci ahan noqon maayaan, ganacsatada waxaanu leenahay lacagtooda iska galinaaya hantida umadda ee qaranka la boobayo iyo shirkadaha kaleba in aanay lacagtooda iska galin.".Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Xildhibaan Siciid Gaani, waxaa ugu danbayntii uu sheegay in ay muddooyinkii danbe oo dhan ay ka digaayeen boobka ay xukuumada Siilaanyo ku hayso hantida umadda."Horta arrinta u yeedhisteeda ayaan kuu sheegayaa iyo qayladayadaba in badan ayaanu qaylinaynay oo aanu lahayn hayaay anagu ciidamana ma haysano, qoryana ma lihin, waxa aanu ka hadalnaa waa sharciga aanu sheegno iyo dadka in aanu wax gaadhsiino. In badan ayaanu dadka u sheegaynay oo aanu lahayn waa la boobay dalkii, waa la dhacay sharcigii ayaa la jabiyey, waxba hadana lagu qaadan waa."Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame.