Guddoomiye Cirro Oo Mawqif Adag Ka Qaadanaya Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Iyo Feejignaanta Xukuumada

0
440

546546ggdfgHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la filayaa inuu mawqif adag oo siyaasi ah ka qaato dib u dhac ku yimaada doorashoyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay tahay inay qabsoomaan 26 June 2015, balse aan san-saankii doorasho muuqanin.

Md. Cirro ayaa la filayaa inuu khamiista beri qabto shirjaraa’id oo uu kaga hadlo arrimaha doorashooyinka, xaaladda guud ee wadanka iyo arrimo kale, waxaana warar uu Geeska Afrika helay sheegayaan in Md. Cirro cadayn doono mawqifka uu ka taaganyahay dib u dhac ku yimaada doorashada. Sida ay wararkani sheegayaan guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa laga yaabaa inuu iclaamiyo inaanu xisbiga Waddani xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aqoonsan doonin marka la gaadho 26 June, taas oo soo dedejin doonta dagaal u bilaabma Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Go’aankan Cirro ayaa haddii uu sidaas ku qaato oo uu ku dhawaaqo, wuxuu la mid noqon doonaa go’aamadii ad-adkaa ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan jiray Madaxweyne Rayaale iyo xukumadiisii marka ay doorashadu dib u dhacdo. Waxaanu dhawaaqan guddoomiye Cirro ka mid noqon doonaa qorsheyaal laga yaabo inuu xisbiga Waddani u dejiyay inuu ku qaabilo dib u dhac doorashada ku yimaada iyo muddo kordhin ay sababto oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo indho feejigan ku eegaysa hadalada ka soo bixi doona Cabdiraxmaan-Cirro kuwaas oo la filayo inay ka bixiso jawaabo, waxaana muuqanaya in bilaha soo socda uu dagaalkii siyaasiga ahaa ee u dhaxayn jiray madaxtooyada iyo Cabdiraxmaan Cirro dib u soo noolaado.