Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Safar La Sheegay Inuu Muqdisho Ku Tagay

0
470

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay warar ay warbaahintu baahisay, oo sheegayay in lagu arkay gudaha magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Xildhibaan Askar, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ku suganyahay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil, waxase uu sheegay inuu habeen u hoyday magaalada Muqdisho.  “ Adeer; Waxaan joogaa Bebera.” Ayuu yidhi xildhibaanku, laakiin isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay oo ahayd inuu tagay Muqdisho, wuxuu yidhi “magaalada Muqdishana waan gaadhay wiigii hore waxaanan ku ahaa taraansit oo Nayroobi ayaan ka imid.”

Waxa xildhibaanka la sii weydiiyay; su’aal ahayd in lagu arkay gudaha magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi  “ Haa waan tagay magaalada oo habeen ayaan joogay.”

Mar kale, waxa xildhibaanka la weydiiyay sababta uu u galay gudaha magaalada Muqdisho, mar haddii uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, waxaanu ku jawaabay “ Maya, Nayroobi, Muqdisho iyo Jabuutii midii la soo joogayaaba waa isku mid.”