Cali Guray Oo Sheegay Inay Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Duulista Iyo Ninka Qandaraaska Ku Qaatay Madaarka Hargeysa Ay U Heshiiyeen Deeqdii Kuwayt

1
997

 

guratHargaysa( Geeska )- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID  md. Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo,wasiirkiisa duulista iyo shirkadii qaadatay qandaraaska madaarka Hargaysa ku eedeeyay inay meelaysteen lacagtii loogu talo galay in madaarka dib loogu casriyeeyo ee uu ku deeqay dalka Kuwayt.

Sida oo kale Cali Guray waxa uu sheegay in guddoomiyaha ururkii DALSAN Md. Ismaaciil Aadan Cismaan  uu u  galay KULMIYE si loogu garaaco Muuse Biixi,waxaanu jawaab ka baxiyay hadal uu Simaaciil Yare ku duray gudoomimiyaha xisbigooda Ucid Faysal Cali Waraabe, ugu danbayntii Cali Guray waxa uu xukuumada ku dhaliilay afhyeenkii xisbiga Ucid ee gobalka Saaxil oo Xabsiga oo la xidhay, waxaanu ugu baaaqay in xoriyadiisa loo soo celiyo.

Ugu horayntiina Cali Guray isaga oo ka hadlaaya mashruucii dib u casriyaynta madaarada  ee dawlada Kuwayt ay baxisay waxa uu yidhi “Waad ogaydeen oo mashaariic ayuu dalka Kuwayt bixiyay madaarada Hargeysa iyo Berbera lagu horu marinaayo ilaa 13 mashruuc ilaa hadana markaanu madaarka Hargeysa aragno nin kaaryoon ciid ku sita oo wax kab kabaayo mooyaane wax mashruuc horumarineed ah oo madaarka ka socdaa ma jiro, waxay ahayd in 600mt lagu kordhiyo dhererkiisii hore hal mitirna laguma kordhin, waxay u muuqataa Madaxweynaha,wasiirka duulista iyo ninka mashruuca qaatay inay tahay mashruuc laysku dhiibtay lacagtiisiina la meelaystay, ka aamusi maynee waanu uga fadhinaa in mashruucii oo dhan uu madaarku xagaagan ku shaqeeyo, waxaanu ognahay cadaalad darada madaarka ka taagan iyo shaqaalaha sida loo qoro oo qabyaalad ah, musuq maasuqa,eexda iyo qaraabo kiilka taagan ayaanu ognahay, dekeda Berbera ilaa maalintii Ina Cigaal qabtay nin aan Ciise Muuse ahayn looma dhiibo madaarka Hargeysa ayuun baa qaramaysan waxaanu leenahay ama waa la wada qaramaynayaa ama kana dadkii laga qaaday haloo celiyo.”

Sida oo kale Cali Guray isaga oo jawaab ka bixinaaya dhaliilo Ismaaciil Yare ugu soo jeediyay xafladii uu ku biirayay Kulmiye waxa uu yidhi “ Su’aasha aan maanta is waydiinayaa waxa weeye horta Ismaaciil Aadan miyuu u gurmaday Muuse Biixi mise waa ku duulay, anigu waxaan qabaa inuu ku duulay waxaana uga dhex muuqda hadalkan uu Faysal leeyahay waxa uu ogyahay sabankan dadka dalka xukuma caydu inay tahay waxa lagu dalaco oo qofka caaya qof mucaarad ah la dalacsiinayo, waxaan hubaa budka kaliyaata ee Muuse Biixi loo haystaa inuu isaga yahay( Ismaaciil Yare, waxba yaanu iska dhigin nin Muuse u gurmanaya  oo jecel, waydun arki doontaan isaga oo Muuse dagaalkiisa safka ugu horeeya kaga jira, anagu Kulmiye waxba odhan mayno waanan idiin sheegayaa oo Ucid iyo Kulmiyana iskuma xuma anaguna waxaanu aaminsanahay in aanay xukuumadu ahayn xukuumad Kulmiye ee lagaga awood badan yahay.”

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), waxa uu ku eedeeyay xukuumada inay ku tumanayso xoriyatul qawlkii waxaanu ugu baaqay in ay xoriyadiisi u soo celiso afhayeenkii xisbiga Ucid ee gobalka Saaxil oo ku xidhan isla gobalkaas “ Afhayeenkii xisbiga ee gobala Saaxil waa la xidhay ilaa iyo hadda wax lagu xidhay oo lagu eedeeyay anagu ma hayno, sida ay warbaahintu sheegaysana waxa lagu xidhay hadal, la yaabi mayno xukuumadan oo ceebteeda maahee waa caadadeeda in hadal wax lagu xidho, xukuumadaha kali taliska ah sida tii siyaad Bare oo kale siyaasada ay kula dhaqmaan mucaaradkooda waxa la yidhaahdaa xadhig iyo xabad waana labada xukuumadani ay adeegsato ee ay xalka uga dhigato cidii mucaarad ku ah.”

Isagoo Mujaahid Cali-Gurey, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Umaddana xoriyatul qawlkeeda kontan kun oo qof ayaa u soo dhintay hanti iyo dad iyo dal waxii  ay lahayd ayaa loo rogay Hargeysa iyo Burcaa u dumay iyada oo ay doonayaan inay dhulkooda si xor ah ugu noolaadaan iyada oo aanay ka baqayn alle mooyaane cid kale, waa loo soo halgamay lagana aqbali maayo. Magaalada Berbera maaha sida magaalooyinka kale ee Somaliland ku yaala oo dhan sidii alle haw naxariistee uu u dhintay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalna waa mustacmarad inagu dhex taala qaanuunka  iyo sharciga aynu ku dhaqano laguma dhaqmo halkan uun baa amar laga baxiyaa cidii ka cadhaysiisa ( Xukuumada ) waa la xidhayaa, meesha nolasheeda hadaad aragtaan Somaliland dhamaanteed halka ugu liidata weeyaan; waayo xeerka yaala ayaa ah in 200 oo kun oo kaliyaata inay ku noolaan karaan hadduu hal qof ku darsamo ninkaasu waa uu dhimanayaa, horumar looma ogala, Daaroole gaajo ayaa loogu dhintaa inta uu bada iyo dekeda u jirana waad aragteen,  dib u dhacsanaanta tacliinta adeegyada bulshada wax walba, sidaas oo ay tahayna lama soo qaadi karo, laakiin ninka UCID far saaraa toban ayaanu saaraynaa, waxaanan leenahay masuulkaas UCID haloo soo celiyo xoriyadiisa.”

Comments are closed.