Maxkamadda Oo Xukun Ku Riday Nadra Iyo Qodobada Lagu Helay Iyo Kuwa Lagu Waayay

0
409

 

HPicture5argeysa(Geeska)-Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun ku riday Nadra Maxamed Jaamac, oo uu dacweeyay wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo sheegay inay farriin aflagaado ah ugu dirtay telefoonkiisa gacanta.

Gabadhan oo muddo bil ku dhow xidhnayd, islamarkaana ay dacwadeedu muddo ka socotay maxkamadda, ayay maxkamadu shalay ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah.

Garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ku dhawaaqay go’aan ah inuu Nadra Maxamed Jaamac ku xukumay 8 bilood oo xadhiga ah. Garyaqaanka difaacayay haweenaydan Mr. Sacad Yaasiin, ayaa islamarkii uu xukunku dhacayba rafcaan ka qaatay xukunkaas xadhiga ah ee lagu riday Nadra Maxamed Jaamac.

Garyaqaan Sacad Yaasiin, ayaa Geeska Afrika u sheegay in garsooruhu xukunkiisa u cuskaday qodobka 268 ee xeerka ciqaabta guud, faqradiisa saddexaad, oo ka hadlaysa aflagaadayn sarkaal dawladeed. Waxase uu sheegay inay maxkamadu ku weyday Nadra qodobadii kale ee lagu soo eedeeyay oo kala ahaa 269 iyo 220 ee xeerka ciqaabta guud.  Geesta kale, wuxuu garyaqaan Sacad; sheegay inay sidoo kale xeer ilaalinta oo dacwadda soo oogtay ay xukunka gabadha lagu riday  rafcaan ka qaadatay. 

Dacwadan ay maxkamadu ka garnaqday ayaa noqonaysa tii u horeeyay ee inta la ogyahay taariikhda Somaliland ay isku dacweeyeen wasiir iyo qof shacab ahi, waxaanay dacwadani soo jiidatay indhaha rayul caamka Somaliland.